- Haduu Guga Kuu Kordhaa Gabow Mooyee Ku Tarin, Garaad iyo Waayo Arag ileen Wax Ma Dhaantid Geed. “Abwaan Gaariye “
- Waqtiga Aad Lumiso Ayaa Ka Daran Dhismashadaada. Waayo Dhimashadu Waxay Kaa Fogeysaa Dunida Uun, Balse Waqti Luminta Waxa Ay Kaa Fogeysaa Eebe. “ibnu Qayim “
- Habka Ugu Fiican Ee Loogu Noolaan Karo Waa Dajinta Qorshe Habeenkii,Ku Dhaqanka Maalinkii iyo Dib U Eegista Natiijada Kuusoo Baxdey Habeenkii Dambe. “Alexis Carrel “
- Waqtiga Waa Hantida Kaliyaata Ee Aadanuhu oo Dhami Heysto, Haddane Waa Waxa Kaliyaata Ee Aanay in Ay Lumiyaan. “Thomas Edison “
- Dadka Qaar Waxa Ay Kula Sheekeystaan Waqtigooda Firaaqada Ah, Halka Dadka Qaarna Waqtigooda Ay Ku Firaaqeeyaan Si Ay Kula Sheekeystaan.! “sacad mohamed diiriye“
- Dadka Saacadaha Maalintii Waxa Ay u Adeegsadaan Si Kala Gadisan. Balse Si Aad Waqtigaaga u Adeegsato Waxay Ka Turjumeysaa Tayadaada Shaqsiyeed. “Qoraha Lama Yaqaano “
- Waligeed Ma Jiraayo Waqti Ku Filan in Wax Kasto La Qabto, Balse Waxaa jira Waqti Ku Filan in La Qabto Waxyaabaha U Mudan. “Brian Tracy “
- Warka Ugu Xun Ee Aan Kuu Haayaa Waa in Waqtigu Uu Duulaayo, Warka Ugu Fiican Ee Aan Kuu Haayaa Waa in Aad Adiga Duuliye Ka Tahay. “Michael Althsuler “
- Ha odhan Waqti igu Filan Ma Heysto , Waayo Dhamaan Dadkii Dunida Wax Kusoo Kordhiyey Maalintooda Waxa Ay Ahayd 24 Saacadood Ee Kama Ay Badneyn. “Jackson Brown “
- Waqtigu Waxa Uu Kaa Qaadan Doonaa Lacagtaada , Laakiin Lacagtu Waqti Kuuma iibin Karto. “James Taylor “
- Hadii Aad Nolosha Jeceshahay Waqtiga Ha Lumin Waayo Waa Waxa Nolosha Ku Dhisantahay. “Bruce Lee “
- Waqtigu Waxa Uu Noqon Karaa Cadowgaaga iyo Saaxiibkaaga. “Ray Charles “
- Waxa Aan Waqti Badan Darsaa Dadka. Sababo Awgeed innagu Kuma Fiicnin in Aynu Aragno Waxa ina Horyaala Ama in Aynu Dhageysano Waxa Aynu Maqleyno. “Ben Okri “
- Kuwa Waqtigooda Sida Ugu Xun u isticmaala Waa Kuwa Ugu Horeeyo Ee Ka Cowda Gaabnida Waqtiga. “jean de La Bruyere
- Badankeena Waxa Aynu Waqtiga Ku Luminaa Waxa Deg Dega , Hadne Waqtiga Masiino Waxa Muhiimka Ah. “Stephen Covey
- Waqtigu Waa Shey La Abuurto. Hadii Aad Tiraahdid “ Waqti Ma Haayo “, Waxa Ay Lamid Tahay “Ma Rabo in Aan Yeesho Waqti !. “Lao Tzu “
- ilaa Aan Awoodno in Aan Maamulno Waqtiga , Ma Maamuli Karno Waxa Kale. “Peter Drucker “
- Dhamaan Guulaha Waa Weyn Waxa Ay ubaahan Yihiin Waqti. “Maya Angelou “
- Macno Malahan inta Aad Mashquulasantahay , Waa in Aad Waqti Aad Dad Kale Dareensiiso in Ay Yihiin Muhiim. “Mary Kay Asha “
- Maanta Qofbaa Fadhiyo Hadhka, Sababtoo Ah Qofbaa beeray Geedka Waqti Hore. “Warren Buffett “
- Ma Ahan in aan Anigu Ahay Mid Caqli Badan Kaliya Waa in Aan Ku Negaaday Dhibaatada Waqti Dheer. “Albert Einstein “
- Hadii Ay Ahaan Lahayd Waqtiga Ugu Fiican , Ama Waqtiga Ugu Xun , Waa Waqtiga Kaliya Ee Aynu Heysano. “ Art Buchwald “
- Qofka Munaasabka Kuugu Ah Waxa Uu Kasoo Muuqaan Doonaa Noloshaada, Waxa Uuna Kasoo Muuqan Doonaa Waqtiga Ku Haboon.
- Ibnu Cabaas Waxa Uu Dhahay Rasuulka NNKH Waxa Uu Yiri Shan Ka Faa,iideeyso inta Aadan Waayin:- Dhalinyaradanimadaada inta Aadan Gaboobin, Caafimaadkaaga Ka Hor Xanuunkaaga, Taajirnimadaada Ka Hor Faqiirnimadaada, Firaaqadaada Ka Hor Mashquulkaaga, Noloshaada Ka Hor Geeridaada.
- Waqtiga oo La Dayacaa Waa Cimrigoo La Dayaco.Qofkii Cimrigiisa Dayaca Maalinta Khiyaamaha Waxa Uu Doonayaa in Aduunyada Loosoo Celiyo Si Uu Uga Mid Noqdo Kuwa Sameeyey Wanaaga.
- Haka Fakarin Waxii La Soo Tagay, Ha Ahaadaan Waxyaabaha Aad Ka Fakareeyso Waqti Xaadirkaan La joogo.
- Waqtiga Waxa Uu Noqdaa Saaxiibkaaga Ama Cadowgaaga. Taasina Waxay Ku Xirantahay Sida Aad u isticmaasho.
- Waqtiga Waa Sida Seefta oo Kale Hadii Aadan jarin Waa Uu Ku jarayaa.
- Waqtiga Hadii Aadan Ka Faa,iideysan oo Aad Khasaariso Waa Uu Kaa Tagayaa Kuuguma Soo Laabanayo.
- Waqtigu Waa Cimrigaaga Ee Marnaba Ha oran Waqtiga Ayaan is Dhaafinayaa, Ee Hanoqon Qof Uu Dhibaayo Waqtiga.
- Hadii Waqtiga Kuugu Dheeryahay oo Aad Dhibsaneeyso, Waxay Ka Dhigantahay in Noloshaada Aad Dhibsaneeysoo oo Ay Dhib Kuugu Tahay.
- Daqiiqad Walba Qor Qiso Kusaabsan Noloshaada, Si Ay Xasuus Kuugu noqoto Waqti Dambe. Qor Sidoo Kale Si Ay Qibrad Kuugu Noqoto Waayo Dambe.
- Shalay Waa Maalin Tagtey oo Aan Kuusoo Noqoney, Maantana Waa Maalinta Ugu Qaalisan Waqtigaaga, Waayo Shalay Wey Tagtey Beri Ma Taqaanid Waxa Ay Noqoneeyso.
- Beri Waa Maalin Aan Lagraneyn in Farxad Ama Murugo Sido, Waayo Waxaa Maamula Allaah.
- Waqtiga Sidiiba Waa Mid Qaaliya ,Waayo Waxa Uu Ka Mid Yahay Waxyaabaha Alle Ugu Deeqay Adoomadiisa Gaal iyo Muslibmba, Munaafaq, Mu,uminba.
- Waqtigu Waa 24 Saac Tani oo Lagu Weydiin Doono Waxa Aad Ku Qabatey.
- Waqtiga Waa Mid Laweydiin Doono Faqiirka iyo Taajirka, Midka Faraxsan iyo Midka Murugeysanba, Macalinka iyo Macalimada, Muxaafadka, iyo Mucaaradka Hooyada , iyo Aabaha, Wiilka , iyo Gabadha , Bukaan Socodka iyo Bukaan jiifka iyo Aniga iyo Adiga Dhamaan Waxa Ay usimanhay Waqtiga Majirto Cid La Siiyey 24 Saacadood in Ka Badan.
- Dadka Guusha Gaaray iyo Guuldareystey Waxay Ahaayeen Kuwa Waqtiga Usiman.
- Waqtiga Ma Yaqaano Waan Hurdayaa Ha iga Tagin, Sidoo Kale Ma istaago Waa Mid Soconaayo.
- Inaad Gaarto Yoolkaaga Waxaa Kuu Fududeyn Karo, inaad Garwaaqsato Qiimaha Uu Leeyahay Waqtigaaga.
- Dadka Gaaray Guusha Sinaba uma Dayacaan Waqtigooda Waayo Waayo ilbiriqsiyada Wey uruurayaan Si Ay unoqdaan Daqiiqad, Daqiiqadahuna Wey uruurayaan Si Ay Saacad unoqdaan Saacaduhu Wey uruurayaan Si Ay unoqdaan Maalin, Maalamahu Wey uruurayaan Si Ay unoqdaan usbuuc, usbuucu Wuu Aruurayaa Si Uu unoqdo Bil, Bishu Wey uruureysaa Si Ay unoqoto Bilo Ama Sanad, Sanaduhu Wey Aruurayaan Si Ay unoqdaan Qarni.Hadaba Qof Waliba oo ilaalshaa ilbiriqsigiisa Waxa Uu ilaalshey Noloshiisa.
- Waqtigaaga Waa Mid Xadidan Haduu Kaa Tago Mar Dambe Kuuguma Soo Laabanaayo. Ee Sidee Macquul Ku Tahay inaad Dayacdo Adiga oo Og Midaas.
0 Comments