Xikmadaha Ragga

 



  1. Hadii Ragganimadu Ahaan Lahayd Cod Sare oo Bilaa Micno Ah Eygaa Ahaan Lahaa Mudanaha Ragga.
  2. Ragga Adag Waxay Sameeyaa Nolol jilcan , Nolosha jilcan Waxay Sameeysaa Rag jilcan, Ragga jilcan Waxay Sameeyaan Nolol Adag. 
  3. Raggu Waxay isku Dagaalaan Dhulka Waayo Waxaa Laga Abuuray Dhoobo,Dumarkana Waxay isku Dagaalaan Ragga Waayo Waxaa Laga Abuuray Feerta Ragga. 
  4. Mararka Qaar Kuuma Dhibayaan Dhaliilaha Lagaa Sheegaayo , Sida Ay Kuu Dhibeyso Marka Aad Ogaato Cida Dhaliishaas Kaa Sheegtey. “William Shakespear “ 
  5. Abaal Raagga Rag baa Leh, Mid baaqdana Haween baa Leh, Mid Soo Dhaqsadana Xoolo Ayaa Leh. 
  6. Waxii Rag ukaco Rabina Aqbalo Waa Rumoobaan. 
  7. Wax Rag Kaa Galay Rake Kaa Gal. 
  8. Ragga Waxaa uliita Ciil Kama Baxe iyo Calooshiisa La Ciyaare. 
  9. Dumarka Ninka Ay Wax Lawdaan Waxa Uu Noqdaa Halyeey,Kii Ay Lug Gooyo Ladoonaan Kama Badbaado.
  10.  Aduunyada Waa Qalbiga Ninka ,Qalbiga Gabadhani Waa Aduunyada , Sidaa Awgeed Gabadhu Waxay Wax u Aragtaa Si Qoto Dheer , Ninkuna Si Xeel Dheer. “William Shakespear “
  11. Dumarka Sidoodaba Waa Labo Arimood:- in aad usamirto Ama Aad Ka Samirto
  12. Rag Ciil Cadaab Ka Dooray. 
  13. Raggu Riyo Ma Liso Reerkiisana Ma Mooga. 
  14. Ragga Lacagta Waa Abuuraa, Lacagtuse Rag Ma Abuurto. 
  15. Sida Loo Kulmiyo Aragtida Garaadyahanada Wey Adag Tahay , Balse Sida Loo Kulmiyo Xeyn Ari Ah Waxa Ay Kaaga Baahan Tahay Eey iyo Ari jire. “William Shakespear “ 
  16. Gabadha Waxkasto Waa Ay usameeysaa Ninka Ay jeceshahay,Laakiin Hadii Ay Ka Shakido jaceylkiisa Muhiimad Ma Siiso 
  17. Ninka Dhalinyada Saldhigiisa Ma Ahan Qalbiga , Ee Waa Dareemaha iyo indhaha. 
  18. Gabadha Waxkasto Waa Ay usameeysaa Ninka Ay jeceshahay,Laakiin Hadii Ay Ka Shakido jaceylkiisa Muhiimad Ma Siiso. 
  19. Mararka Qaarkood Qiimaha Ereyadaada Waxa Uu Noqdaa in Ay Galaaftaan Cimriga Ruux Dhan Ee Ama Wanaaga Ku Hadal Ama Aamusnida Ku Wanaagsanow. 63 “William Shakespear “ 
  20. Doqonimo Ma Ahan in Gabadhu Rumeeysato Beentaada, Laakiin Waxaa Doqonimo Ah inaad Raganimo Dareento Adiga oo Been sheegayo. 
  21. Markaad Gabar Lahadleeyso Aad udhageeyso Waxa ay indhaheedu Leeyihiin.
  22.  Abtigu Waa Waalid, Adeerkuna Waa tiir,Saaxiibkuna Waa Lafdhabar i aamina Ma jirto Qof Kuu istaagi Kara Booska Aabahaa.Aabahu Waa nimco Ma Garan Doontid Qiimahiisa ilaa Aad Ka Weydo Ma ahane. 
  23. Waxaan Kaaga Digayaa inaad Been usheegto Dumarka , Waayo Waxay Leeyihiin Awood Cajiib Ah inay Ogaadaan Runta iyo Awooda Kasii Badan in ay Qariyaan Runta ay Ogaadeen. 
  24. Aamusnaanta Gabadha Waa Fariin Digniin Ah Ay udireeyso Ninka Taas oo Ah inay Ka Tuureeyso Qalbigeeda. 
  25. Rag jidiin baa Walaaleeya ,Ee jiir ma Walaaleeyo. 
  26. Rag Waxa Uu yiri Rag baa Diida. 
  27. Raggana Dhugga, Ratigana ilkahaa Laga Eegaa. 
  28. Rag Waa Arin Keen iyo Aqbal Keen. 
  29. Raga Runta Kama Nixiso.  Rag Waxaan Naftiisa Ahayn buu Maareeyaa. 
  30. Rag Qabri iyo Qowl baa Ka Hara.
  31. Qofkaan Qadarineyn Joogitaankaaga, Adigana Ha Weyneyn Maqnaanshihiisa. 
  32. Gabdhuhu Waxa Ay Aduunka oo Dhan Ka Dalbadaan Nin Uun, Marka Ay isaga Helaana isaga Ayee Wax Waliba Kadalbadaan. 
  33. Dadku Waa isku Muuq, Hadane Waa Kala Maan. 
  34. Xasuusnow Marwaliba inaad Dhalatey Adiga oo Oynaya , Sameey Wax Wanaagsan Si Aad udhimatid Dadka oo Kuu Oynaya . 
  35. Seddex baa Rag ugu Daran:  Ma Dhigte,  Ma Dhageyste,  Ma Dhaqde. 
  36. Qofna Aad Ha Ugu Sii Tiirsanaani Aduunyadaan, Sababtoo Ah Xataa Harkaaga Ayaa Kaa Hara Markaad Mugdi Ku jirto. 
  37. Inaad Cadho isku xijisaa Waa Sida Adiga oo Sun Cabay, Hadane Aad Rajeyneyso inuu Qof Kale Ku Dhinto. 
  38. Cabsidu Kaama Celineeyso Dhimashada, Laakiin Noloshey Kaa Celineeysaa.
  39. Si Aad Noloshaada ubadasho, Waxaad ubaahantahay inaad Badasho Waxyaabaha Aad Muhiimada Siiso. 
  40. Hadii Aa Labo Qof Mar Kaliya Wada jeceshahay Dooro Midka Dambe, Sababtoo Ah Hadii Aad Dhab 65 Ahaan ujeclayd ka Hore, Kan Labaad Maad jeclaateen. 
  41. Inaadan jawaabin Nafteeda Ayaa jawaab Ah, Waana jawaab Aad uxoog badan Taa Xusuusnow. 
  42. Manoqon Karno Waxaynu ubaahanahay inaynu Noqono inagu oo baaqi Kusii Ahaaneyno Sidii Aan Ahayn. 
  43. Ninka Doqonka Waxaa Lagu Gartaa Caqligiisa , Ninka Caqliga Badan Waxaa Lagu Gartaa Aamusnaantiisa. 
  44. Ka Digtoonow Cilmiga Beenta Ah Waxa Uu Aad Uga Khatar Badan Yahay jaahilnimada. 
  45. Ha u ogolaan inay Dadka Kale Go,aamiyaan Qofka Aad Tahay Ku Khalkhali Aamusnidaada , oo Kaga Naxso Ficiladaada.
  46. Waligaaga Qofna Ha usheegin Dhibaatooyinkaaga 80% Madaneynayaan 20% Wey Ku Faraxsanyihiin in Dhibkaasi Ku Heysto. 
  47. Qaado Waxa Aad Heysato oo isticmaal , Si Aad Ugu Abuurato Waxaad Rabto. 
  48. Haday Wax Kaa Khaldan Yihiin Hagaaji, Naftaadana Ku Tababar inay Warwarin, Warwarkaaguna Waxba Ma Hagaajiyo. 
  49. Qofka Caqliga Badan Ma Yiraahdo Waxkastaan Aqaanaa , Doqonka oo Kaliya Ayaa Yiraahdo Waxkastaan Aqaaan. 
  50. Xidhiidhka Dhabta Ahi Waxa Uu Leeyahay ilmeeyn, Dagaal, Aaminaad, Xanuuno, Muran, Samir, Maseyr, iyo Waxa Ugu Muhiimsan oo Ah jaceyl. 
  51. Waligaaga Ha Qoomameyn Maalin Noloshaada Kamid Ah :-  Maalamaha Xun Waxay Kusiiyaan Khibrado,  Maalmaha Ugu Xun Waxay Kusiiyaan Casharo,  Maalmaha Fiican Waxay Kusiiyaan Farxad,  Maalmaha Ugu Fiican Waxay Kusiiyaan Xasuuso. 
  52. Haka Cabanin Waxyaabaha Aad Rajeyneynin inaad Waxka badasho, Dabeecada Xumi Waa Sida Taayar banjaray oo Kale, Meel Fog Kuma Gaari Kartid Hadii Aanad Badalin. 
  53. Waligaaga Ha Dhaawacin Qof ujeedadiisu Tahay inuu Ku Arko Adiga oo Faraxsan. 
  54. Waligaaga Seddex Nooc Dad Ah Noloshaada Ha iloobin: 
  55. Qofkii Ku Caawiyey Waqtiyadii Adkaa, 
  56. Qofkii Ku Galiyey Waqtiyadii Adkaa ,
  57. Qofkii Kaaga Tagay Waqtiyadii Adkaa. 
  58. Hadafkeygu Waa inaan Cidna Ka Fiicnaanin, Balse Aan Ka Fiicnaado Sidii Aan Ahaan jiray. 
  59. Ninka Aan jeclayn Naftiisa Ayaa Si Xun ula Dhaqma Gabadha isaga jecel. 
  60. Aamin Naftaada Waxaad Noqoneeysaa Qof Aan La Jooojin Karin. 
  61. Raggaa Bac Ku Seexdoo oo Buushash Ku Hooyda,Ragga Bil Kasto Biyaano Dhisaayo , Raggaa Bariiskii Been Been Ku Heleynin , Raggaana Dharag Darteeda Dhulka Ku Shubaayo, Raggaa Waxbarashadii beeso uwaayey, Raggaa Fasaladii Waqti Kulumis ufadhiya,Aduunkaa Sidaas usameeysanoo Qof Walibana Ka Farxineyn.
  62. Inaad Ka Fogaato Dadka Qaar Si Aad u ilaaliso Dareenkaagu Ma Ahan Daciifnimo Ee Waa Xikmad. 
  63. Waligaa Guuleeysan Meysid Hadii Aanad Waligaaga Bilaabin. 
  64. Waligaaga Seddex Waxyaabood Gaar Hakuu Ahaadaan :-  Nolosha Jaceylkaaga  Lacagta Bankigaaga  Iyo Qorshahaaga Xiga. 
  65.  Guuleeystayaashu Waxay Diirada Saaran Guusha, Kuwa Fashilmana Waxay Diirada Saaraan Guuleeystayaasha.

0 Comments