- Jaceylku Waa Waxa Ugu Quruxda Badan Ee La Heysto,Waa Waxa Ugu Adag Ee La Kasbado,iyo Waxa Ugu Xanuunka Badan Ee Lawaayo.
- inaad oorideyda Tahay baan Kun jeer Kaaga Mahadnaqaa Kolkaan Adiga Ku Helay baa Kurbada iga Booday
- ifka waxa la Dhowraa,Dadka Laga Dhaweystaa, Dhaawacaaga Ruux Dhaqtarkiisa Noqon Kara.
- Waxaad Tiraahdaa Roobkaan jeclahay, Hadane Dallad baad Ka Hoos Gashaa. Waxaad Tiraahdaa Cadceedaan jeclahay, Hadane Waad Ka Harsataa. Waxaad Tiraahdaa Dabeyshaan Jeclahay , Hadane Daaqada Waad Ka Xirataa. Sidaas Darteed baan Ugu Cabsadaa Marka Aad itiraahdo Adiga Ayaan Ku jeclahay. “Bob Marley “
- Dadka Aad jeceshahay Sii Baalal Ay Ku Duulaan, Xidido Ay Kusoo Noqdaan iyo Sababo Ay Kuwada joogaan. “Dalai Lama “
- Xushmad La,aan jaceylku Waa Lumaa , Daryeel La,aan Jaceylku Waa Caajisaa , Daacad La,aan jaceylka Farxad Maleh, Aaminaad La,aan jaceylku Waa Mid Aan Daganeyn.
- Jaceylka Waa Ciidanka Kaliya Ee Awooda Cadow inuu ubadalo Saaxiib. “Martin Luther King, jr “
- Jaceylku Malahan Sees .Waa Badweyn oo Aan Bilow iyo Dhamaad toona Lahayn. “jalaala, diin Al – Ruumi “
- Jaceylka Ninka Waa Uu Gabagaboobaa Marka Uu isku Hubsado Jaceyka Gabadha . “Leo Tolstoy “
- Qofka Ku jecel Dambi inaad Gasho Ayuu Kaa ilaaliyaa. “Ali Binu Abii Daalib “
- In La igu Naco Ayaan Ka Doorbidayaa , in La igu jeclaado Waxa Aan Ahayn. “Kurt Cobain “
- In Qof Si Qoto Dheer Kuu ujeclaado Waxay Ku Siineeysaa Xoog,inaad Qof Si Qoto Dheer ujeclaato Waxay Ku Siineeysaa Dhiiranaan. “ Lao Tzu “
- Wax Waliba oo Aad Rabtid inaad Sameeyso , Hadii Aad Rabto inaad Ku Wanaagsanaato,Waa inaad 103 jeclaataa Waxa Aad Sameeyneysid oo aad Awoodaa in Aad Waxbadan uhurto. “Maya Angelou “
- Jaceylku Waa Xanuun Aad uwanaagsan , Waana Doqonimo in Aynu Diidno inuu Nagu Dhaco. “Suqraad “
- Haka Quusan Dadka Aad jeceshahay. Dulqaadkaaga iyo Daacadnimadaada Ayaa Laga Yaabaa in Ay Kusoo Celiso “joyce Meyer “
- Marka Aad Qof jeclaato Waa inaad Ku jeclaataa Sida Uu Yahay, Ee Aadan Ku jeclaanin Sida Aad Ka Dooneysid.Xataa Wabiga Ay Biyahiisu Burqanayaan Ma Awoodo in Uu Dhibic Biyo Ah Ku Daro Weel Horay ubuuxay. “Leo Tolstoy “
- Nolosha jaceyl La,aanta Ayee Ku Sahlantahay Balse Waa Macno Daro. “Leo Tolstoy “
- Qofka Awoodo inuu Wax Si Dhab Ah ujeclaadaa Waa Uu jeclaadaa. “Leo Tolstoy “
- Waxa Ugu Fiican Uguna Quruxda Badan Aduunka Lama Arki Karo Lamana Taaban Karo – Waxaa Laga Dareemaa Qalbiga. “Helen Keller “
- Hadii Aad Sababo uheysid jaceylka Aad Ruux Kale jeceshahay Waxba Majeclid. ”Slavoj Zizek “
- Jeclow Dhamaantooda , Ku Kalsoonow inyar , Ha Xumeyn Cidna. “William Shakespear “
- Marka Ay Lammaane is Caashaqaan Waa Lama Huraan in jaceylkooda Uu Dhaafsiisnaado Xuduuda Shahwada iyo jirka oo Waa in Ruuxuhu Ay Kulmaan. “Leo Tolstoy “
- Marka Qof Qof Kale oo Aad Ugu Dhuun Daloolaado oo Uu jeclaado Wanaagiisa Mooyaane Waabaydiisu uma Muuqato. “Leo Tolstoy “
- Markastoon jaceylka Garaad Ku Qiyaasno Weyna Burburinaa. “Leo Tolstoy “
- Bal Luqadaha oo Dhan iskugu Geey Afka Ruux Wax jecel ,Hal Dhaqdhaqaaq oo Wadnihiisu Sameeyo Ayaa Gabigoodaba Ka Adag Kana Dhigaya Sidii Aamusane Hadlaya!. “Maxamuud Saaddiq Arraafici “
- Ku Socodka jidka Toosan uma baahna indho Furan, Ee Waxa Uu ubaahanyahay Qalbi Furan. “Dr.ibraahim Alfiqi”
- Waxaan jecelahay Riyada Mustaqbalka iyadaa Ka Wanaagsan Taariikh Lasoo Dhaafay. “Thomas Jefferson “
- Dabeecada jaceylka Ayaa Ah in jaceyl Dartiisa Aad Qof udisho, Ama Adigu udhimato. “Maanza Mengiste “
- Quruxda oo Kali Ahi iiguma Filna in Aan Gabadh Ku Guursadaa, Qofka Aan Caalamkeyga Waxba Ka Ogeyn Ana Aan Kiisa Mooganahay oo Aan Ogeyn Nolol Mawada Qaadan Karno. “Leo Tolstoy “
- Goortii Aad Tiraah Waan Kujeclahay , Waxaad Balan Kusameeyneysaa Qof Kale Qalbigiisa, Waa inaad Ku Muujisaa Ficil Si Aad ucadeeyso.jaceylku Ma ahan Qiiro Kaliya.jaceylku Waa Ficil .jaceylku Ma ahan Dareen Kaliya Ee Waa Daryeel.
- Jaceylka Ku Fidi Meel Kastoo Aad Tagtid, Cidkastoo Kuu Timaada Ha u Ogolaanin in Ay Kaa Tagto iyada oo Aan Sidii Hore Ka Faraxsaneyn. “ Teresa “
- Waxaan Kuusoo jeedinayaa in Aad Dagaalka Gashid, Balse Kuuma Soo jeedinaayo inaad jaceyl Geshid. Waayo Dagaalka Waad Noolaan Ama Waad Dhiman, Balse jaceylka Ma noolaaneeysid Mana Dhimaneysid. “Adolf Hitler “
- Jaceylka Kaliya Ee Aan Rumeysanhay Waa Kan Hooyada uheyso ubadkeeda. “Karl Lagerfeld “
- Qofka Sida Dhabta Ah Ku jecel Waxa Uu Kaa Hor istaagaa inaad Dambi Sameeyso. Qofka Aan Sida Rasmiga Ah Kuu jeclayna Waxa Uu Kuugu Dhiiragaliyaa Xumaanta iyo inaad Dambi Sameeyso.
- Ninka Ragga Ah Hadii Uu Gabadha Ku Doorto Dhaqankeeda Wanaagsan Waxa Uu Dunida joogi Doonaa Asiga oo Hal Gabar jecel , Balse Gabadha Ku jeclaado Wajigeeda Qurxoon Darteed Waxa Uu Mar Waliba jeclaan Doonaa Gabar Walba oo Qurxoon Dunidana Laga Heli Doono Gabar Uu Ku Qanco.
- Wax Waliba Waxa Ay Leeyihiin Fursad Labaad.ilaa Jaceylka ,Saaxiibtanimada,iyo Kalsoonida,Goortay Dhamaadaan Masoo Laabtaan.!!! Xitaa Hadii Kun Fursadood Lasiiyo,Hadii La isku Soo Laabto Waxaa La iskula joogi Doonaa Waa Shaki, iyo Cabsi..!
- Goortii aad Xiriir Qof Lawadaagto Ku Dhaqan Seddexdaan Heer:Been Hasheegin, Ha Qiyaamin, Hana Qaadin Balan Aadan Fulin Karin.
- Nolosheyda Xubigaaga Sida Uu Ugu Weyn Yahay Nabdigeyga udhex Qaaday Laabtiyo Nudaha jirkeyga Ayaan Xisaabin Karinoo Daqiiqad Kastaba Kuu Xiisayaa Adiga.
- Nasri ii baxay iyo, Nalkii Farxadaay, Dunida Daawataay, Najmaay Dhameeysey, Qasri Waxa Aad Ku Leedahay, Laabta iyo Bogeyga Wadnaha Dacalkiisa.
- Goortii Aad Weydo Shey Aaad Jecleyd, Xasuusnow in Geedkuba Uu Waayo Caleemahiisa, Jiilaalku Si Uu ukasbado Kuwa Kale oo Ka Qurxoon Kuwa Kuwii Hore Waqti Roobeedka Noloshuna Ma aha Ilaa Mar Xaaladooyinka is Daba jooga Mooyee, Mar Xaalad Kastaana Waxay Wadataa Macaan Iyo Qaraar Ee Noqo Mid Samir Badan.
- Afkaaga bar inaad Maya oran Kartid Haa Badan iyo Haye Fudud Halaag Bey uhorseedaan Hogna Ku Rideen Kuwo Badan.
- Qofkii Si Kas Kaaga Taga isaga oo aan Wax Daneeyn Ah Siineynin Dareenkaaga Waxaan Kaaga Digayaa inuu Noloshaada Ugu Soo Laabto Bilaa Sabab.
- Waqtigaan Aan Hada joogno Markastoo Aad Tahay Runlow iyo Mid Daacad Ah Waa Markastoo indhahaaga Ay ilintu Buux Dhaafineyso.
- Haka Dhigin Midka Aan Kuu Dhigmin Mid Ku Xadgudbaayo Sareeyntaada iyo Qiimahaaga.
- Hasheegin Murug Aad La Daris Tahay Hana Lawadaagin Cidna Aanan Ka Ahayn Allaah Subxaana Wataacaalaa.
- Dhibtaada usheego Midka Ku Abuuray AllaahSubxaana Watacaalaa oo Kaliya Si aad uhesho Raxmad iyo Daganaan.Xagiisa Ayeena Ka imaataa Raxmada iyo Daganaanta Waayo Allaah Waa Mid Kaaga Naxariis Badan Hooyadaada.
- Dad badan oo Aragtida Wajiga Kaliya Wax Ku jeclaada Gadaal bey Ka Qoomameeyaan Sababtoo Ah jaceylku Marnaba Kama Dhasho Quruxda Wajiga Balse Waxa Uu Ka Dhashaa Quruxda Qalbiga.
- Inta Aadan Qofka jeclaanin Fiiri Marka Hore inuu Naftiisa jecelyahay, Hadii Uusan Naftiisa jeclayn Adiga Jaceyl Kuma Siin Karo.
- Goortii Uu Qof Ku jecelyahay Ma ahan Had iyo jeer inay Afka Ka Sheegaan, Waxaad Markastaa Ka Garan Kartaa Habka Ay Kuula Dhaqmaan.
- Hadii Qof Aad is jecleydeen Kaa Tago Ha Murugoon Hana Matagin , Ha is Gubin , Cuntadana Haka Soomin , Heeso Badan Ha isku Maaweelin.Fiiri Naftaada inaad Nooshahay oo aad Neefsaneeyso Kadibna Horay uwado Noloshaada usheeg Qalbigaaga inuu Qofkaa Tagay Aysan Ruuxdaada Kaa Tagin.
- Ha ubadalin Midabkaaga iyo Naftaada Si Ay Dadku kuu jeclaadaan. Ahow Qofka Aad Tahay Dadka Saxda Ah Ayaa Ku jeclaanaya.
- Dadka Sida Dhabta Ah isku jecel Si Sahlan Kuma Kala Haraan Hadii Ay jirto Boqolaal Sababood Ay Ku Kala Tagi Karaan, Waxay Helaan Hal Sabab Ay Kuwada joogi Karaan.
- Sameey Jaceyl Ee Hasameyn Dagaal. “Charis T. Atkinson “
- Caruurtu Waxay ubaahantahay jaceyl , Gaar Ahaan Marka Aanay Muteysan. “Qoraha Lama Yaqaan “
- Jaceylku Waa Marka Qofka Kale Farxadiisu Kaala Muhiimsantahay Farxadaada. “ H. jackson Barow , jr “
- Jaceylka Badan Waan Ka Baqaa, Hadane jaceylka Yari ima Raali Galiyo. “Mai Ziadah “
- Waajibka Ugu Horeeyo Ee jaceylka Waa in La isdhageysto. “Paul Tillich “
- Indhaha Ku jecel Waxay Arkaan bey beeniyaan ,Dhagaha Ku Necebina Waxa Lagaa Sheegay Ayee Aaminaan. “Najiib Mahfuuz “
- Dulqaad Yeelo Waxkasta Waa Kakan Yihiin inta Ayna Fudayd noqon. “Saadir”
- Dhamaan Riyooyinkeena Waxay Noqon Karaan Run Hadii Aynu Ku Dhiirano in Aynu Raacdeysano. “Walt Disney “
- Qofka Kaliya Ee Sida Dhabta Kuu Dhiirogalin Kara Waa Adiga. 111 “Shaq “
- Quruxda Gabadha Ma ahan Dharka Ay Xirantahay , Sida Ay U Egtahay, Ama Sida Ay Timaheeda ushanleeyso. “Audrey Hepburn “
- Yaan niyada Lagaa jabin, Yaan Naafo Laga Dhigin, Nafta Yaan La Dhaafsiin, Yaan Dunida Nuurkiyo, Laga Damin Nalkiisoo Yaan Dumarku Nacabiyo, Noo Arag Waxyeelee, Raggow Daaya Nuurka.
0 Comments