Xikmadaha Hooyo

 

  1. Waxaan Mooday Hooyadeyda inay Soo Saarto Cuntada Aan jeclahay, Balse Waxaan Xaqiiqsadey inay Hooyo Soo Saarin Cunada Balse Aan Anigu jeclahay Cunada Ay Sameeyso.
  2.  Hooyo Waxaan ku jeclahay Jaceyl Aan La Awoodin in La Qoro, Laguna Dhawaaqo Hooyo Waa Boqorad umana Baahna inay Xirato Taajka Boqorada Xirtaan, Cadeeyna Waxaa Kuugu Filan inuu Alle Yiri “jannada Waxay Dhex Ahaatey Cagaha Hooyooyinka Hoostooda “Allow Hooyo Jannadaada Ka Waraabi Aamiin Aamiin. 
  3. Hooyooyinka Waxa Ay Gacanta Ku Qabtaan Caruurtooda Waqti Yar , Laakiin Qalbigooda Waligooda Kama Baxaan.
  4. Nin Waliba oo Guul Gaaro Waxaa Ka Dambeeysa Haweeyney Waana Hooyo Macaan 
  5. Hadii Aad Tahay Mid jecel Rayreynta Nolosha Ku Dadaal Caafimaadkaaga , Hadii Aad Tahay Mid jecel Nolosha Kudadaal Akhlaaqdaada , Hadii Aad Tahay Mid jecel Liibaanta Nolosha Ku Dadaal Caqligaaga , Hadii Aad jeceshahay Dhamaantooda Ku Dadaal Baarinimada Hooyo Macaan. 
  6. Hooyadu Waa Qofka Kaalinta Cidkasto Buuxin Karta, Balse Aanay Cidna Kaalinteeda Buuxin Karin. 
  7. Waxkastoo Aan Ahay Ama Rajeynayo inaan Noqdo Waxaa iska Leh Hooyadey ! “Abraham Lincoln “
  8. Hooyadeyda Waa Mucjiso Lugeeyneysa. “Leonardo Dicaprio
  9. Xaqa Ugu Weyn Ee Ay Haweeyney Heshaa Waa in Ay Hooyo Noqotaa.  “Lin Yutang “ 
  10. Hooyadu Ma Ahan Ruux Lagu Tiirsado, ee Waa Ruux Ku Tiirsanaantaba Meesha Ka Saarta Kana Dhigta Mid Aan Daruuri Ahayn. “Dorothy C. Fisher “ 
  11. Hooyooyinka Waa Kuwa iska Keen jeclaada Sabab Fiican La,aan. “Maggie Gallagher “ 
  12. Waxaan Garwaaqsaday Marka Aad Eegto Hooyadaa, Waxaad Arkeysaa jaceylkii Ugu Saafisanaa Ee Waligeeda La Ogaado. “Mitch Albom “ 
  13. Dunida Maba jiro Fan Lamid Ah Heesta Hooyadu Ubadkeeda Ugu Heesto. “Billy Sunday “ 
  14. Hooyadey Waxa Ay Ahayd Haweyneyda Ugu Quruxda Badneyd Ee Aan Arko Abid. Wax Waliba oo Aan Ahay iyadaa igu Hagtey.Waxa Aan unisbeynayaa Guusha Nolosheyda oo Dhan Anshaxa Guud , Caqliyan iyo Aqoonta Muuqataba in Aan iyada Ka Keenay. 
  15. Jeclow Dhamaantooda, Ku Kalsoonow inyar , Ha Xumeyn Cidna. 
  16. Marna Haka Xirin Dibnahaaga Kuwa Aad Mar Horeba ufurtey Qalbigaaga. 
  17. Lagama Yaabo inaad Guuleeysatid Adiga oo Aan Heysan Qeyb Kamid Ah jaceylka Qurxoon Ee Maxabada iyo Kalgacalka Kudhisan Ee Hooyo Macaan.{ Gureey Xikmadle} 
  18. Dhalaan Kastoo Nool Ama Guul Gaaray Nolosha Wax Micno Leh Kusoo kordhiyey, Ama Magac iyo Mansab Yeeshay Ama Kaalin Bulshada Ugu jira Waxa Uu Wax Ku Yahay Waa Hooyo Macaan . .{ Gureey Xikmadle} 
  19. Insaanka Ama Bani,aadamka Waa Noolaha Kaliya Ee Noolaan Karin Xanaaneynta Hooyo Macaan La,aanteeda . { Gureey Xikmadle} 
  20. Kuwani Waa Ereyo indhaha Ku Qasbaya ilmada, Qalbigana ukaxeeynaya Dhanka Badweynta Xasuusaha Waa Dareen Uu Dabada Kasoo Riixaayo Qoraa Gureey Xikmadle, Waa Oraahyo Ka Udgoon Cadarka oo orda uhibeeya Hooyooyinkiinii Sharfanaa.

0 Comments