Salaama calaykum saaxibayal waxynu maqaalkena ku wadaagi doona taarikhda Islaamka kuna dul mari doona oo soo koobayna maadama ay muhiim tahay inaynu wax ka barano taarikhdena faca wayn
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Ummad walba waxa ay leedahay Taariikh hore oo ay ku faanto sharafna ay ku dareento carruuteedana ay barto, mararka qaar waxaan maqalnaa taariikhda roomaanka ama yuunaanka ama giriiga, taariikh macnaheeda oo koobban waa dhacdooyin iyo mawaaqif dhacay xilliyo hore, marka la fiirinaayo dhacdooyinka caalamka soo maray iyo taariikhaha ummadaha waxaa la arki karaa taariikhda islaamka in ay tahay taariikhda ugu wanaagsan ee caalamka soo marta hordhaca buuggana waxaan kuugu soo koobi donna qaar kamid ah taariikhda ummadeenna muslimka ah, taariikhdeenna qiimaha badan waxa ay soo martay heerar kala duwan waxaana kamid ah:-
SOO DEGIDDA WAXYIGA:
Taariikhdeenna islaamka waxa ay soo bilaabatay markii uu waxyiga ku biloowday Nabi Muxammad scw sidoo kalena uu bashariyada caalamka ugu yeeray dacwada islaamka, markaas oo uu dacwadiisa ka bilaabay ehelkiisa kuwa ugu dhawaa kadibne reer makka iyo dadkii udhawaa, ilaa heer ay ugu danbeyn dacwadaasi noqotay mid caalami ah markaas oo uu Nabiga scw farriimo kala duwan u diray boqoraddii ka talinaayay adduunka ee xilligaas.
XILLIGII KHULAFAA’U RAASHIDIINKA:
Nabiga scw markii uu dhintay waxaa bilawday xilli cusub oo kamid taariikhda islaamka waana xilligii khulafada waxa ayna kasoo bilaabatay Abuu Bakar, Abuu Bakar wuxuu waqtigiisa ku qaatay ilaalinta iyo adkeynta tiirarka dowladdii uu Nabiga scw ummadiisa kaga tagay wuxuu la dagaalamay dhamaan dadkii diinta ka ridoobay geerida Nabiga kadib, Abuu Bakar isagana markii uu dhintay waxaa maamulka islaamka qabtay Cumar Binu Khadaab oo isagana ku caan baxay Cadaaladda, markii uu Cumar dhintay maamulka waxaa uga danbeeyay Cusmaan Binu Cafaan iyo Cali Binu Abii Daalib kadibna Xasan Binu Cali Binu Abii Daalib oo hoggaanka islaamka haayay kaliya lix bilood kadibna u tanaasulay Mucaawiya Binu Abii Sufyaan, halkaasna waxaa ka biloowday Xilligii Khilaafada Umawiyiinta.
KHILAAFADA UMAWIYIINTA:
Markii uu dhamaaday Xilligii Khulaa’u Raashidiinka waxaa maamulka islaamka u wareegay qaab boqortooyo ahaan ah oo wuxuu gacanta u galay qoyska reer Banii Umaya, iyaguna islaamka lama fariisan oo waxa ay gaarsiiyeen meelo uusan horay ugaarin islaamka waxey furteen dhulka Andalus waxey dhiseen maamul islaam oo awood badan waxa ay horumariyeen Jihaadka iyo furashooyinka islaamka, Reer banii Umaya kadib maamulka islaamka waxaa qabtay Qoys kale oo isla Qureysh ah waana Cabaasiyiinta.
KHILAAFADA CABAASIYIINTA:
Markii uu dhamaaday maamulkii umawiyiin hoggaanka ummada islaamka waxaa qabtay Reer Banii Cabaas iyaguna islaamka lama aysan fariisan oo waxa ay ka qeyb qaateen Faafinta Dacwada islaamka iyo sidii loo gudan lahaa amaanada uu Nabiga scw kaga tagay Ummadiisa waxa ay horumariyeen Cilmiga heer Caasimadooda oo Baqdaad aheyd ay noqotay magaalo cilmiga nuucyadiisa kala duwan lagasoo doonto, dowladda Cabaasiyiinta xilliyadeedii dambe markii ay daciiftay waxaa ka faracmay dowladdo badan oo islaami ah sida: dowladda Saljuuqiyiinta, dowladda Ayuubiyiinta, dowladda Sinkiyiinta, dowladda mamaaliikta iyo kuwo badan laakiin dhamaantood waxa ay hoos imaan jireen Khilaafada Cabaasiyiinta.
Khilaafada Cusmaaniyiinta:
Waa mid kamid ah dowladdihii ugu awoodda badnaa ee islaamka soo maraa sidoo kalena waxa ay aheyd dowladdii ugu cimriga dheereyd dhamaan dowladdihii islaamka adduunkana waxa ay tustay qoraxda islaamka haddii ay meel ka dhacdo in ay dhinac kale kasoo baxdo iyaguna waxa ay horumariyeen Cilmiga iyo jihaadka sidoo kalena waxa ay ilaaliyeen sharafta ummada muslimka ah.
0 Comments