Maanka xikmadaha

 


  1. Waxa aad Hiigsaneeyso oo Aad Ku Riyooneeyso Afar iyo Labaatanka Saacadood Ayaad Noqon Waadna Xaqiijin. 
  2. Hadaad Dareento in Daruufaha oo Dhan Lid Kuugu Yihiin, Dadka oo Dhan Kaa Hor imaadeen , Waxaad Ogaataa in Diyaarada uduusho Cagsiga Dhinaca Ay Dabeysha usocoto udabaalo Dhinaca Hirka Ka imaanayo Gacantaadana Kujeex Waddadii Aad Mari Lahayd.
  3. Hadaadan Ku Qanacsaneyn Meesha Aad joogto Hada , Dhaqaaq Matihid Geed Meesha Ku Mudun. 
  4. Ha Ahaanin Mid jilicsan oo Dharbaaxo Kasto Dhulka Dhigeyso, Naxdinta Dhabarka Ka jabineeyso, Fashilka isku Dhiibaayo, Noqo Qof Karti Leh Waqti Waxaan joognaa Aan La Aqbaleeynin Qof jilicsan. 
  5. Waligaaga Xooganow Dhoolacdeey, Kuwa jalaafada kula Maagan Ha isweydiiyaan Sidii Wali udhoolacadeeyanayaa.
  6. Dadka Qibradda Leh Waxkabaro Sababtoo Ah Manoolaaneeysid Waqti Kuugu Filan Si aad Wax waliba ubarato. 
  7. Qof Markuu Hadlaayo Dhageeyso Si aad Wax Waliba ufahanto, Ha udhageeysan Si aad ujawaabto. 
  8. Waan Xaqiijin Karnaa Dhamaan Wax Ku Taameeyno, Ku Riyooneyno Hadii Aan Leenahay Qanaaco Dhab Ah inaan Arinkaas Xaqiijin Karno. 
  9. Quraanjada Waxaad Ka Barataa Sida Waxloo Kasbado, Geelana Sabirka Ka Baro, Diiqana Kalahaada Ka Baro , Abeesadana Xikmadana Ka Baro, Libaaxana Geesinimada Ka Baro, Eeygana ikhlaaska iyo Waafinimada Ka Baro. 
  10. Dagaal Aan Xabad joojin Lahayn Waa Nolosha Ban,aadamka. 
  11. Noloshu Wey Ka Gaabantahay inaan Ku Bixino Diiwaangalinata Gafafka Nalaga Galay, Sidoo Kale Wey Ka Gaabantahay in Aan isku Mashquulino Quudinta Cadaawada iyo Karaahiyada. 
  12. Dadku Waxay unoolyihiin Si Ay Wax ucunaan , Anigana Waxaan Wax ucunaa Si Aan unoolaado. 
  13. Markaan jeclaa Waxaan jeclaa inaan Weynaado, Laakiin Markii Aan Weynaaday Waxaan Tamaninayaa inaan Taraado.
  14. Sheyga Kaliya Ee Caalmka La isku Raacaayo Waa in Aan Halmeere Kunoolnahay Wax Kaloo La isku Raacaayo Majiraan. 
  15. Musiibo Waliba oo Kuugu Dhaceeyso Waxaad Ka Qaadaneeysaa, Darsi Si Aaad uga Baxdo Adiga oo Xikmad Qibrad iyo Cilmi Kasbaday. 
  16. Dadku Waxay Nacaladaan Daruufaha Noloshooda, Laakiin Aniga Daruufaha Maba Rumeeysani Dadka iyaga ayaa Sameeya Daruufaha.
  17. Inaad Hal ubax uhadiyeeyso Waqtigii Ku Munaasabka Ahayd Ayaa Ka Fiican, Wax Waliba inaad Baxiso Fursada Ku Dhaafto Kadib. 
  18. Inaad Halweedh oo Wannaagsani Ku Dhahdo Qofka Aaad jeceshahay, Walibana Waqtiga Ay Ku Haboontahay Ayaa Ka Fiican inaad Gabay Dheer utiriso Markii Uu Qofkaasi Ka Tago Kadib. 
  19. Haldaqiiqo inaad Sugtid Ayaa Ka Fiican inaad Sannad Dhan Sugtid Markii Ay Fursada Dhamaato Kadib.
  20. Inaad Caawisid Qofka Markii Uu Kuu Baahanyahay Ayaa Ka Fiican , Boqolaal jeer oo Raaligalin Ah Markii Uu Ka Gudbo Kadeedkii Heystey Kadib. 
  21. Qiimo Malaha Shey Waliba oo Yimaado Waqtigii Ku Haboonaa Kadib, Waana Sidii Adiga oo Dhunkanaya Qofkaa Dhintey Dhabankiisa. 
  22. Marna Hadib Dhigin Ashyaa,ada Quruxda Badan, Weeraha Quruxda Badan, Fariimaha Quruxda Badan, Saamaxaada Quruxda Badan, is Cafiska Quruxda Badan, Sugitaanka Quruxda Badan , Dulqaadka Quruxda Badan, Daacadnimada Quruxda Badan , iyo Cudurdaarashada Quruxda Badan, iyo Wax waliba Haka Dib dhigin Waqtigiisa ileen Qiimo Maleh Shey Lasoo Dhaafay Waqtigiisaa. 
  23. Hadib Dhigin Arimaha Wannaagsan oo idil, ogsonow inay Labo jeer kuu Soo Mareeynin Kuuguna Soo Laabaneeynin Markale

0 Comments