ABUU BAKAR SIDIIQ

 


salaama calaykum saxiibayal waxaynu maqaalkenan kaga hadleynaa saaxibkii ugu dhawa NABIGA ''NNKH'' iyo mid Ragii iyagoo koonka saaran janada Loogu bishaareyay 
''Qof walba oo aan diinta ugu yeero wuu shakinaayay Marka laga reebo Abuubakar'' - Nabiga scw

Khaliifkii ugu horreeyay ee islaamka ahna mid kamid ah tobanka shaqsi ee jannada loogu bishaareeyay, sidoo kalena ahaa wasiirka koowaad ee Nabi Muxammad scw. Intaas oo dhan waxaa u dheer in uu ahaa saaxiibka Nabi Muxammad ee wehelka u ahaa markii uu magaalada Madiina u hijroonaayay, culimada Ahlu sunnaha waxa ay ku sheegaan in uu yahay qofka ugu kheyrka badan bashariyadda oo idil, marka laga reebo Nabiyada iyo rususha, magaciisu waa Cabdullaahi Binu Abii Quxaafa, Nabiga ayaa u bixiyay Abuu Bakar Sidiiq runtiisa badan awgeed. Markii uu dhintay Nabiga scw Saxaabada ayaa waxa ay isku khilaafeen geerida Nabiga qaar Waxa ay dhaheen Nabiga ayaa dhintay halka qaar kale ay dhaheen Nabiga ma dhimman, markii uu yimid Abuubakar arrinkana loo sheegay ayuu Nabiga qolka ugu galay kadib ayuu marada wajigiisa ka qaaday markaas ayuu dhunkaday, 8 sidoo kale dadka ayuu u xaqiijiyay geerida Nabiga scw isaga oo u khudbeynaayo ayuu dhahay Qofkii Muxammad caabudi jiray ha ogaado Muxammad wuu dhintay, qofkiise Alle caabudi jiray Alle waa mid nool oo aan dhimmaneyn Kadib markii uu Abuubakar muslimiinta qalbiga u dajiyay ayey muslimiinta waxa ay ka tashteen cida hoggaamin doonto iyaga maadama uu Nabiga scw dhintay, Abuubakar ayaa markaas loo doortay in uu buuxiyo booskaas, Abuubakar markii loo doortay hoggaaminta muslimiinta ayuu jeediyay Khudbad cajiib ah daacadnimo iyo tawaaducna ay ka muuqato waxa uu yiri sidaan: Dadoow...! Madaxdiina ayaa la iga dhigay mana idinka kheyr badni, haddii aan wax wanaajiyo igu kaalmeeya haddii aan xumeeyana itoosiya, runtu waa amaanno, beentuna waa qiyaano, kiina tabarta darran agteyda xoog ayuu ku leeyahay ilaa aan xaqiisa ugasoo dhiciyo, kiina awoodda lehna agteyda daciif ayuu ka yahay ilaa aan ka qaado xaqqa lagu leeyahay hadduu Alle idmo, qofna kama taggo Jihaadka ilaa haddii uu ka tagana Alle waxa uu ku salidaa dulli, igu adeeca wixii aan Alle iyo Rasuulkiisa ku adeeco, haddii aan Alle caasiyana wax adeecid ah idinkuma lihi…. Geerida Nabiga kadib islaamka waxaa ku dhacday musiibo weyn oo haddii uusan Abuubakar caqligiisa ku xalin laheyn ay diinta daciifin laheyd, Wadajirka muslimiintana kala geyn laheyd, markii uu dhintay Suubanaha N.N.K.H waxaa diinta ka laabtay Carabtii 9 ugu badneyd kaliya waxa diinta kusoo haray Reer Makka oo Qureysh ah iyo reer Daa’if iyo reer Madiina iyo qaar kale oo yar, xilligaasna dadka waxa ay u qeybsameen laba qeybood. 1. Mid diinta dhan ka baxay sida reer Banii Qaddafaan iyo reer Banii Xaniifa 2. Mid diiday in uu Sakada bixiyo sida reer Banii Tamiim iyo reer Banii Hawsaan Abuubakar markaas wuxuu go’aansaday in uu la dagaalamo dhammaantood, Intana waxaan kuugu sheegi doonna waxyar oo kamid ah dagaaladaas uu Abuubakar la galay dadkaas diinta ka laabtay. 

DULEYXA BINU KHUWEYLID

 Reer Banii Qaddafaan iyo ninkii ay rumeeyeen oo ah Duleyxa Binu khuweylid ninkani wuxuu ahaa nin wax sheeg sheego (Faalaloow) wuxuu sheegtay Nabinnimo intii uu noolaa Suubanaha N.N.K.H markaas waxaa raacay oo rumeeyay dadka maangaabka ah, Nabiga ayaa markaas wuxuu udiray Saxaabi kamid ah saxaabadiisa oo lagu magacaabo Diraar Binu Aswar si uu uga taqaluso ninkaas, Diraar markii uu tagay meesha uu joogay ninkaas uuna damcay in uu qorshihiisa fuliyo ayaa 10 waxaa dhintay Nabiga scw, Sidaas ayaa arrinkiisa looga mashquulay xilligaas. Abuubakar ayaa waqti kadib wuxuu udiray Khaalid Binu Waliid si uu usoo edbiyo Duleyxa iyo dadka la socday, ciidanka Khaalid waxaa kamid ahaa nin lagu magacaabay Cadiy Binu Xaatim, Cadiy wuxuu Khaalid ka dalbaday in uusan ku dagdagin dagaalka, Khaalidna waa uu ka aqbalay Kadib Cadiy Qabiilkiisa oo ninkaan la safnaa ayuu diinta ugu yeeray iyagana ugu danbeyn waxa ay kusoo biireen ciidanka muslimiinta, markale Cadiy wuxuu diinta ugu yeeray dadkii la socday Duleyxa iyagana sidoo kale wey ajiibeen, Kadibna waxaa is gacan qaaday dadkii gaalnimada ku adkeystay ee la safnaa Duleyxa iyo ciidanka muslimiinta, Duleyxa wuxuu arkay in uusan awood u laheyn ciidanka Khaalid Markaas ayuu meesha ka cararay isaga iyo xaaskiisa, ciidankiisana sidaas ayaa lagu jabiyay, Duleyxa Binu khuweylid ugu danbeyna diinta ayuu kusoo laabtay. 

ARRINKA REER BANII TAMIIM 

Mid kamid ah go’aammada ugu adag ee uu qaatay Abuubakar, Nabiga scw ayaa Reer Banii Tamiim u sameeyay lix hoggaamiye waxaana kamid ahaa nin lagu magacaabay Maalik Binu Nuweyrah, markii uu Nabiga scw dhintay labo kamid ah hoggaamiyeyaashaas waxa 11 ay Sakada u keenneen Abuubakar halka kuwii kalena ay diideen bixinta sakada Maalik Binu Nuweyrah waxa uu kamid ahaa raggii diiday bixinta Sakada, Reer Banii Tamiim iyaga oo sidaas u jahwareersan ayaa waxaa usoo baxday Naag lagu magacaabi jiray Sajaax waxa ay kasoo jeeday Reer Banii Taqlib waxa ay eheed Kirishtaan markii uu Nabiga scw dhintayna waxa ay sheegatay Nabinnimo waxaa raacay Carabta kuwooda ugu liito, waxa ay damacday in ay ku duusho Abuubakar Markaasna waxaa jidka u galay oo la dagaalamay qaar kamid ah Muslimiintii reer Banii Tamiin raggii ay wadatay qaarna wey qafaasheen qaarna wey dileen iyadiina dhanka Yamaamah ayey u carartay, Reer Banii Tamiim diinta ayey kusoo laabteen marka laga reebo Maalik Binu Nuweyrah, weyna ka qoomameeyeen arrinkii ay sameeyeen, Khaalid Binu Waliid ayaa loo diray Maalik iyo kooxdiisa iyagana markii ay maqleen in uu Khaalid usoo socdo ayey kala yaaceen, Khaalid Binu Waliid Rc ayaa amray in dhammaantood lasoo qabto, qaar badan oo iyaga kamid ahaa waa lasoo qabtay dadka lasoo qabtayna waxaa ku jiray Maalik Binu Nuweyrah, Khaalid ayaa amray in la dilo kadibna Khaalid wuxuu guursaday Xaaskii Maalik. Cumar Binu Khadaab Rc ayaa ka xanaaqay falka uu sameeyay Khaalid Sababtoo ah dad badan ayaa isku waafaqay Maalik in uu diinta kusoo laabtay, Abuubakar ayuu ka codsaday in la qisaaso Khaalid, Abuubakar ayaa 12 yiri markaas waxbuu Fasirtay wuuna qalday Carrabkaadana ka leexi Khaalid Anigu ma daminaayo Seef uu Alle dul dhigay gaalada. 

MUSAYLAMA IYO TOLKIISA

 Nabiga scw intii uu noolaa wafdiyadii u yimid waxaa kamid ahaa Reer Banii Xaniifa waxaana la socday nin lagu magacaabi jiray Musaylama, Reer Banii Xaniifa markii ay yimaadeen magaalada Madiina Musaylama waxaa uu lahaa Haddii uu madax iga dhigaayo geeridiisa kadib waan raacayaa markii uu dhintay Nabiga scw Musaylama wuxuu sheegtay Nabinnimo, Abuubakar ayaa wuxuu u diray Khaalid Binu Waliid wuxuuna ku xoojiyay ciidan xooggan oo ka koobnaa Muhaajiriin iyo Ansaar, Musaylama ciidankiisa waxa ay gaarayeen 40kun, markii uu ogaaday in uu Khaalid usoo socdo ayaa isaga iyo Tolkiisa iyo intii raacsaneydba waxa ay dhufeys ka dhigteen meel lagu magacaabo Yamaamah. Ciidanka Muslimiinta iyo kuwii Musaylama ayaa waxa ay dagaalameen dagaal xooggan heer Murtadiintii diinta ka baxay la jabiyay jab xooggan, markale ayey dhufeys ka dhigteen Beer uu lahaa Musaylama hoosna ayey ka xirteen, Muslimiinta oo wax ay sameyaan raadinaayo ayuu Al-Baraa Binu Maalik oo ahaa geesi 13 Ansaari ah wuxuu yiri igu dhax tuura Meesha kadib ayaa lagu dhax tuuray wuxuuna awood u yeeshay in uu muslimiinta ka furo Albaabkii dhufeyska ahaa, muslimiinta ayaa gudaha u galay beerta markale haddane waxaa dhacay dagaal xooggan ilaa la dilay Musaylama sidaasna waxaa ku jabay Reer Banii Xaniifa iyo Kooxdii uu watay Musaylama oo qafaal iyo dil leyskugu daray. Mid kamid ah Culimada ayaa waxa uu yiri Illaahey wuxuu diintiisa ku ilaaliyay labo nin, Abuubakar oo maalinkii ridada ahaa iyo Axmed Binu Xanbal oo fitnadii qur'aanka lala rabay Alle uga difaacay Alle haka raali noqdo geesiyadaas dhiigooda u huray islaamka.

0 Comments