Xulka Xikmadaha


  1. in Yar oo Lahadlo Waa Xikmad, inyar oo Lacuno Waa Caafimaad, inyar oo Dadka La Dhaxgalo Waa Nabad iyo Daganaan.  
  2. La Fadhiiso Kuwa Soo Dambaabay Ee Towbada Keenay, Waayo Kuwaasi Waa Kuwa Ugu Qalbiga jilcan 
  3.  Shaqsiga Ugu Caqliga Badan Waa Kan La Xisaabtamo Naftiisa iyo Ficiladiisa. 
  4. Dulqaadka Badi Qadarka Rumeeysnow Hadaad Rabto Sida Diinka usoco Maalin Ayaad Kamiro Dhalin Doontaa Hadafkaaga.
  5.  Lafadhiiso Kan Faqiirka Ah Waxa Ku Siyaada yo Shukrinta iyo Mahadnaqa Alle, Lafadhiiso Caaqilka iyo Xakiimka Ah Waxaa Kuu Kordhaya Xikmad iyo Xeeldheeraansho. Lafadhiiso Waayeelka iyo Qofka Da,ada Ah Waxaa Kuu Kordhaya Xasuuso iyo Oraahyo Waxtar Leh. Lafadhiiso Naftaada Go,aan Wacan iyo Fikrad Saliim Ayaad Ka Heleysaa. 
  6. Sheyga Qiimahiisa Waxaa Gartaa Goortii Loo Baahdo Garanmeysid inta Uu Aktaada Yaalo.
  7.   Caaqilka Carabkiisa Waxa Uu Ka Dambeeyaa Qalbiga Jaahilka Carabkiisana Fudeed Ayaa Ka Dambeeya. 
  8. Aqoonta facilka wadata waxay musiibada ubadashaa barwaaqo. 
  9. Aqoonta waa sidii hawada waxay muhiim utahay 11 nolosha sidahawada oo kale qofna looma diidi karo.
  10.   Aqriye waliba Ma aha Hogaamiye Laakiin Hogaamiye waliba waamid wax aqriyo. 
  11.  Cadaantu kama turjumeeyso qurux madawguna kama turjumaayo foolxumo sababtoo ah karfantu wey cadahay hadana waa mid laga baqo kacabaduna waa ay madawdahay hadane waa mid lajecelyahay. 
  12. Waxaan xirnaa indhaheeyna markii aan oyneeno markii aan hurdeeno markii aan is dhunkaneeno sababtoo ah waxa wanaagsan laguma arko indhaha balse waxaan ka dareenaa qalbiga. 
  13.  Dadka intooda badan wey hilmaamaan in ay kuu macadceliyaan markii aad wanaag usameeyso, balse marnaba ma hilmaamaan Haddii aad hal khalad ka gasho inay ku eedeeyaan. 
  14.  Waxaan Baranay sida Hawada Loogu Duulo sida shimbiraha oo kale, waxaan baraney sida loogu Dabaasho Biyaha sida kalluunka oo kale. laakiin ilaa hada ma aanan baranin sida aan ugu noolaan lahayn dhulka anaga oo walaalo ah. 
  15.  Diinku Waxa Uu Dhalaa Kun ukumood Asiga oo Aamusan,Laakiin Digaagada Waxay Dhashaa Xabad Ukun Ah Ayada oo Dhawaaqeyso, Aamusnaan Ku Shaqeey oo Shaqadaada Ha Hadasho. 
  16.  Inta aadan Alle kabaryin waxa kaa maqan ku shukri  waxaaad heysato. 
  17.  Xoriyada Shaqsi Ahaaneed, Waa in Qaxwada Sokor Ku Dari Kartid,Ama Sokor La,aan Ku Cabi Kartid. Laakiin Diinta ilaaheey Soo ma aha Ma jirto Wax La Dhaho Xuriyada Shaqsiyadeed Utoosnow Sida Laguu Faray ,Ma ahan Sida Adiga Aad Rabtid. 
  18.  Wax Waliba Waxa Ay Leeyihiin Fursad Labaad.ilaa Jaceylka ,Saaxiibtanimada,iyo Kalsoonida,Goortay Dhamaadaan Masoo Laabtaan.!!! Xitaa Hadii Kun Fursadood Lasiiyo,Hadii La isku Soo Laabto Waxaa La iskula joogi Doonaa Waa Shaki, iyo Cabsi..! 
  19.  La Doodida Dadka Caligooda Yaryahay.Waxa Ay Lamid Tahay Adiga oo Riixaayo Barfuun Eber Ah,Si Kastoo Aad uriixdo Wax Barfuun Ah Masoo Saaraayo.Laakiin Waxa Uu Kaa Xanuujinayaa Fartaada,Waxa Uuna Kaa Qaadanayaa Waqtigaaga iyo Dedaalkaaga. 
  20.  ilaaheey baa Marqaati Naga Ahee.in aan annagu jecleyn inaan Qof Lumino Ama Weyno,Laakiin Ficiladooda Ayaa Nagu Qasbaya in iyaga Aan Maarano.Annaga oo ilaalineyno Karaamadeena.
  21.   Ilaahow Saaxiib Aduunyadaan Waxaa Kuugu Filan in aad Leedahay Saaxiib Kuu jecel Sida Aad Asiga ujeceshahay oo Kale Murugadaada ,Farxadaada 13 ,Kaftankaaga,niyad jabkaaga Si Aamaan Leh Kuu Garab istaaga Adiga oo Ku jira Dagaalka Nolosha. 
  22.  ilaaheey baa Qadaray Waxa Uu Doonayey Waa uuna Sameeyey. Magaraneysid Waxa Kasoo Baxaya Go,aamadaada Aad Qaadatey,Laakiin Waxaa Hubaal Ah in Aad Ku Hoos jirto Daryeelka ilaaheey.isaga Ayaa Kuu Doori doona Kan Ugu Fiican,Waxa Uu Kuugu Abaalmarin Doonaa Kan Ugu Wanaagsan Qalbigaaga Xasili oo Daji. 
  23.  Dumarku Waa Khiyaano Weyn Ama Waa jaceyl Weyn.Ninyahow Adiga Ayee Kuugu Xirantahay Cida Aad Go,aansaneysid Hadaad Khiyaantid Wey Ku Khiyaani,Hadaad jeclaatidna Wey Ku jeclaani. 
  24.  Ilaaheey baan Ku Dhaartey Cidna iskuma Bedelin Aniga.! Laakiin Waxa Aan jeclahay Xasiloonida Maskaxdeyda,Qofkii ii Arka in Aan Aniga isbadaley Ha Arko Ficiladiisa.Waxa Aan Ahay Mid Ficilada Ugu jawaabo Aamusnaan.
  25.  Abuu Lahab oo Ahaa Reer Haashim oo Ka Dhashay Ashraafta Qureysh Waxa Uu Gali Naar olol Leh, Bilaalna Waxa Uu Ahaa Xabashi, Nabiga {{SCW }} Waxa Uu Maqlay Kabahiisa oo Ka Dhex Dhaawaqaya Jannada Dhexdeeda.Hanoqo Mid Asalkiisa Ku Faana Fariintu Waa Yaa Alle Ka Cabsi Badan. 
  26.  Laba Nooc oo Ragga Kamid Ah Lama Dhihi Karo Ereyga “Ragg” .Qof Hooyadii Kaaga Tagay Kursiga Curyaamiinta,Si Uu Xaaskiisa Waqtiga ula Qaato, iyo Qof Ka Sheeg Sheega Goobaha Fadhiga Xiriirka Uu La Leeyahay Haweyney Ayna Ku Kalsoonaatey. 
  27.  Ninyahow Sharafta Leh Dumarka oo Dhami Ma ahan Darjiimada Madadaalada Camal, Dumarka Qaarbaa Masaajidka Camal ah,Waa in aad Kabaha iska Siibtaa oo aad Weyso Qaadataa Ka Hor inta Aadan Galin Mixraabkooda.
  28.  ijeclow Ama inac.Labadoodaba Waa Danteyda.Hadii Aad ijeceshahay Mar Waliba Qalbigaa igu Heyneysaa,Hadii Aad inacdana Mar Waliba Waxa Aad igu Heyneysaa Maskaxdaada. 
  29.  Abtigu Waa Waalid, Adeerkuna Waa tiir,Saaxiibkuna Waa Lafdhabar I aamina Ma jirto Qof Kuu istaagi Kara Booska Aabahaa.Aabahu Waa nimco Ma Garan Doontid Qiimahiisa ilaa Aad Ka Weydo Ma ahane.
  30.  Ninbaa Waxa Laweydiiyey Maxaa Ku Waanin Lahayd Wiilkaaga Markuu Guursado.Waxa Uu Yiri:Wiilkaygow “Gabadhaani Waxa Ay Kasoo Tegtey Aabaheeda,Hooyadeeda, Walaalkeeda, iyo Walaasheyda.Adiga Ayeena Kuu timid –Ha liidin ,Ha Duleynin oo unoqo Wax Waliba. 
  31.  Walaashey, Waqtiga Hadii Uu Dheeraado Waa jeceylkeyga.Waa Saaxiibta igu Dhow Xiliga Murugada iyo Farxada,Waa Halbowlaha Hadii Uu Qalbiga Dhaawacmo,Waxaaba Moodaa in Loo Abuuray in Qalbigeyga Dhameeystirto. 
  32.  Farxad baa Waxaa Laweydiiyey.Goormee Xasilaa Qalbiga ? Waxa Ay tiri Hadii iga Helo Seddex Shey:in Uusan Ka Shalaayin Waxii Tagay ,iyo Rajo Wanaagsan oo Laga Qabo Waxa Soo Socda,iyo Ku Qanacsanaanta Waxa Uu Kuu Qadaray Allaha Samooyinka. 
  33.  :Si aad noloshaada ubadasho waxaad ubaahanatahay inaad badasho waxyaabaha aad Muhiimada siiso 
  34.  :Duceeyso una duceey dadka kale tani waa astaan sahleeyso yoolka aad ka leedahay nolosha 
  35.  :Walaalahaygow ii Wanaajiya Aragiina inta Aan idiin Wado Warkaa Wannaaga Badan. 
  36.  :Hadii Aad Tahay Mid Wax Ku Fiican iskuday inaad Kuhowlanaato Waxa Aad Ku Wannaagsanatahay 
  37.  Wax Waliba oo Noloshaada Aahaaday Waxay Leeyihiin Xikmad, Hadii Aysan Xikmad jiri Lahayn Ma Aanan Garan Lahayn Dadka Wannaagsan Qiimahooda
  38. . Nacas Kasta Waa Garan Karaa ujeedaduna Waa in Wax La Fahamo. 
  39.  Wax Waliba Waxay Leeyihiin Fursad Labaad ilaa Jaceylka,Saaxiibtanimada iyo Kalsoonida Ma ahane Goortii Ay Dhamaadaan Masoo Laabtaan!.Xitaa Hadii Kun Fursadood Lasiiyo.Hadii La isku Soo Laabto Waxa La iskula joogi Doonaa Waa Shaki iyo Cabsi. 
  40.  Ladoodida Dadka Caqligooda Yaryahay Waxa Ay Lamid Tahay Adiga oo Riixaya Barfuun Eber Ah Si Kastoo Aad uriixdo Wax Barfuun Ah Masoo Saarayo,Balse Waxa Uu Xanuujinayaa Fartaada Waxa Uu Kaa Qaadanayaa Waqtigaaga iyo Dedaalkaaga in Badan.
  41.  Hadii Aad Dooneeyso inaad Wax Gadato Adiga oo Aan Eegeyn Bangigaaga Waa inaad Si Dagdag ushaqeeysaa Adiga oo Aan Eegeyn Saacadaada 
  42. Waligaaga Ha ilowbin Cidii iska Kaa indho Tirtey Waligaagana Ha ilowbin Cidii Ku Caawisey Ka Hor Xitaa inta Aadan Weydiisan 
  43. Qof Waliba Waxa Uu Rabaa inuu Kuu Sheego Waxa Adiga Kuu Roon Marabaan inaad Adiga Heshid jawaabahaaga Waxay Rabaan inaad Tooda Kaliya Maqashid 
  44.  Waligaaga Haku Dag Dagin inaad Rumeeysato Waxii Aad Maqsahay oo Dhan, Waayo Beenta Waxay ufaaftaa Si Ka Dhaqsiyo Badan Runta.
  45. Nolosha Markey Ugu Darneyd Waxan ubaahnaa ilaaheey Ha umaleeynin inaan Adiga Kuu Baahnaa Sababtoo Ah Ma Dabooli Kartid Baahideyda 
  46.   Qaladkaaga ogsoonaw kuna qanac sababtoo ah majiro Dunida qof aan ceeb lahayn oo ceeb ka saliim ah.
  47.  Haku kibrin nimcada Alle waxaa jiro malaayiin aan haysanwaxa laguu hibeeyey 
  48.  Ubareer Dantaada oo Hala baqin cabashadaada maxaa yeelayin badan baan fahmin aamusnaantaada. 
  49.  Anigu muslim baan ahay islaamkuna waa diin dhameystiran laakin anigu ma ahi insaan dhameystiran Haddiin aan gaf ku dhaco islaamka ha caaynina ee aniga icannaanta anigaan ahayn qof dhameeystiran {{Axmed Diidaat}} 
  50.  Cadawga islaamka ah waa musimka jaahilka ah kaas oo xannaaqiisa iyo xamaasadiisa ku sameeynaya falal sumcad daro usoo jiideya islaamka dadka kale markay arkaan waxaa ay moodaan in islaamku yahay isaga oo kale 
  51. Aadanaha waxa uu Aadane ku noqdaa iska caabinta waxa uu jecelyahay iyo xamilista waxa uu neceb yahay 
  52. aadamaha waxa uu aadame kale kaga sareeyaa baritaanka xaqiiqda. 
  53. Haddii aad hayso tufaax annigana aan haayo tufaax misna aanisweydaarsano tufaaxyadaas mid waliba oo inaga mid ah waxa uu hayaa hal tufaax, balse hadaad hayso fikrad anigana aan haayo fikrad misna aan isweydaarsano mid waliba oo inaga mid ah waxa uu haystaa labo fikir. 
  54. uma baqo qofka fikira xitaa Haddii uu lumo waayo xaq dib ayuu ugu soo noqon, Balse waxaan ubaqaa qofka aan fikirin xitaa haduu ku taagn yahay xaqa waayo waxuu ahaan Doonaa sida bal dabeyluhu wataan. 
  55. Naftaada oo aad Ahaataa waxay kaa dhigaysaa in aad Dunida kusoo kordhisay qof aan Dunida ku nooleyn. 
  56.  muhiimada ma aha xaalada laakiin waa sida aad uga falceliso xaalada.
  57.  waxa kaliya ee mararka qaar ee aad gacanta ku haysaa waa aragtidaada adigu xaaladahaaga gacanta kuma haysid laakiin waxaad dooran kartaa sida aad  xaaladahaaga u arkeysid 
  58. dhammaanteena mawada lihin hibooyin isla eg balse waxaanhesanaa fursado isla eg ee aan ku kobcin karo hibooyinkeena 
  59. Haddii aan lagu Dhaleecayn waxay ubadan tahay inaad guulHaynin.
  60.  :waxbarashada ma aha barashada xaqiiqooyinka laakiin waa utababarka maskaxda sidii ay ufakiri lahayd 
  61. aqoontu waa garashada waxii aad oran lahayd murtidana waagarashada xilligii aad oran lahayd 
  62. Dadku markay saaxiibo yihiin cadaalad uma baahna balse marka ay cadaalad haystaan saaxiibtinimo waa ay ubaahan yihiin. 
  63. kuguma taageersani waxa aad leedahay lakiin xaqaaga aandifaacee aanba ku dhinto  :Haddii aad aaminsantahay cadaalad waxa aad Aaminsan tahay Aakhiro sababta oo ah cadaalad kama jirto dunidaan. 
  64.  kan daciifka ah marna wax ma cafin karo cafiska waa sifada kuwa xooga badan 
  65.  Qofka gaara hadafyada iyo qofka aan hamiga lahayn farqiga udhaxeeyo ma ahan awood la„aan aqoon la„aan ee waa halabuurid iyo himilo la„aan
  66.   Marka ay cadahay in aadan gaari karin yoolkaaga habadelin yoolkaaga ee badal dhabada aad umareeysid 
  67.  Had iyo jeer sameey sida ugu fiican waxa aad beerato ayaad goosan mardambe 
  68. Sirta isbadalka waa inaad Diirada saartid tamartaada oo idil tamartaasina Aadan u isticmaalin burburinta waxa Duuga ah Balse aad u adeegsatid go,aaminta iyo diyaarinta waxa cusub. 
  69.  Wax aqrisku waxa uu ii yahay hab aan ku balaariyo garaadkeyga kukala furo indahayga kuna buuxiyo qalbigayga iyo waxsoo saarka maskaxdeyda.
  70.  umuuqo Daciif marka aad aadgtahay una muuqo adeeg markaaad tahay daciif. 
  71. Madhici doontid Haddii aadan fuulin meel sare laakiin dan iyo xaajo kuuguma jirto inaad ku noolaato dhulka 
  72. cadawgaaga cafi laakiin marna ha ilaawin magacayadooda 
  73. ujeedada dagaalka waa in nabad la helo ujeedada nabaduna waa in dagaal la isku diyaariyo.
  74.   Dadka saacadaha waxay u adeegsadaan si kala gadisan balse si aad waqtigaaga u adeegsataa waxay ka tarjumeysaa tayadaada shaqsiyeed. 
  75. salaanta adiga la horee.
  76.  sannad kasta ubaxyo beer. 
  77. waa mahadsanatahay in badan dheh.
  78. noqo qof xeelad badan balse qof si ula kac xumaantiisa ha uraadin. 
  79. in lacagta qiimo lahayn waxaad ugaaneysaa jannada waxaa ubadan kuwa faqri ku ahaa aduunka. 
  80. riyada dhabta ah ma ahan mida markasta aad hurdeyso oo aad ku riyooto balse riyada dhabta ah 22 waa mida hurdada kuu diida. 
  81. Haddii aad xisaabin karto lacagtaada wali ogaw ma tihid qani eewaxaad tahay faqri. 
  82. kheyrka kuligiisa waa xishood. 
  83. Waan guuldareystey marar badan taasina waa sababta aanuguuleystey. 
  84. jawaabta ugu gaaban waa waxqabad. 
  85. qof aad wax uyaqaano ayaa aayar hadlo. 
  86. marka aad ku timaado jid gooyada noloshada raac wado qarjeex ah si aad hadafkaga udhameeysato. 
  87. Mid Waliba oo iyaga Kamid Ah Wuu Ku Dhaleeceynayaa Wuu kaa Soo Horjeedaa Hadalkaadana Khalad buu Ka Fahansanyahay Aragtidaada Waa Diidanyahay Hadane Markaad Guuleeysato Waxay Soo istaagayaan Garabkaaga Si Ay Faraxada Kuugu Hambalyeeyaan Sababtoo Ah iyagu Waa Bani,aadam iyagu . 
  88.  Ilaaheey inaad Ka Cabsataa Waa Geesinimo ,inaad Adoon unoqotaa Waa Xoriyad ,inaad isu Duleeysaa Waa Karaamo,inaad Garataa Waa Yaqiin. 
  89.  Doontu Waxay Dhex Ahaatey Biyaha Dushooda ,Balse Biyaha Doonta Ma Dhex Ahaanin Sidaa Darteed Adiga Aduunyada Ahaaw Balse Qalbigaaga Aduunyada Yeysan Dagin. 
  90.  Ma ogtahaya in Cusbada iyo Sonkorta isku Mid Yihiin Midabkoodana Uu Yahay Cadaan,Balse Aysan isku DhaDhan Aysan Ahayn ,Sidaa Darteed Dadka Qaar Waa isku Midab Waana Kala Dhaqan. 
  91.  Maraakiibtu Kuma Quusaan Biyaha Hareeraha Ka Socda Ee Waxay Ku Quusaan Biyaha Gudaha Usoo Gala, Sidaa Darteed isbadalkaada Kama Dhaco Banaanka Ee Waxa Uu Ka Dhacaa Gudaha Qalbigaaga iyo Naftaada. 
  92.  Waqtiga Waxa Uu Go,aamiyaa Qofka Aad La Kulmeeyso Qalbiga Waxa Uu Go,aamiyaa Qofka Uu jeclaanayo Laakiin Dabeecadahaaga Waxay Go,aamiyaan Nolosha Dhow iyo Mustaqbalka Fog Qofka Aad La Qaadaneeyso. 
  93.  Qalbigaaga Haka Dhigin Sida Wabiga oo Kale Ee Uu Qofkii Doono Uu Ka Darsanyo, Ee Waxaad Ka Dhigtaa Sida Badda oo Kale Uusan Ka Cabeynin ilaa Qof Ku Maashoodo Mooyee. 
  94.  Beenta Wey Sahlantahay Laakiin Xaqiiqda in La Sheego Wey Adagtahay Cudurdaarashada Wey  Fududahay,Laakiin Daacadnimadu Waa Mid Qaali Ah inaad Qof jeclaato Waa Dhamaan inaad Aqbasho Waxa Uu Yahay Qofkaas ,Ha isku Badalin Qofkaasi Qofkuu Doono Ha Ahaadee ,Qofka Ku jecel Maku Badalaayo Ee Waxa Uu Kaa Dhigayaa Mid Kawanaagsan Sidii Hore .
  95.   Qaarkood Waxay Ku Hadiyeynayaa jaceyl Adiga oo Aan Wax uhadiyeynin,Qaarkoodna Waxay Ku Hadiyeynayaa Nacayb Adiga oo Wax Waliba u hadiyeyey.
  96.   Midka Cishqiga Haayow Qalbigaaga Banaanka Dhig,Ee Caqligaaga igu Dhageeyso,jaceylkaaga Yuusan Noqon Mid Kalifaad Ah,Si Aysan Caradaada Ama Xanaaqaaga Uusan unoqon Mid Dilaa Ah. 
  97.  Kasbo inta Aad Awoodid , Bixi inta Aad Awoodid,Keydso inta Aad Awoodid. 
  98.  Uduul Dayaxa Hadii Aad Awoodi Weyso Waxaad Dageeysaa Xiddigaha 
  99.   Nasiibku Waa Marka Ay Kulmaan Diyaargarowga iyo Fursadu. 
  100.  Lacagtu Waxay Kuu Gadi Kartaa Daawo, Laakiin Kuuma Gooyso Caafimaad. 

0 Comments