Murtida Xikmadaha

 



  1.  Dad Badan Waxay iska Dhigeen Wax Aysan Ahayn, Waxay ilaaween Waxay Ahaayeen,Markaas Waxaa Dhuma Awoodahoodii.
  2.   Nolosha Waxay Aad Ugu Dhowdahay Dhimashada 
  3.   Markii Aad Dhalatey Waad Ooyday,Aduunkana Waa Uu Farxay,Unoolow Si Markaad Dhimatid Aduunka Kuugu Ooyo Adigana Aad ufaraxsanaatid.
  4.   Waqtigu Wuu Ku Gaabiyaa Kuwa Suga,Wuu Ka Dheereeyaa Kuwa Ka Baqa, Wuu Ku Dheeryahay Kuwa Murugooda,Wuu Ku Gaabanyahay Kuwa Faraxsan,Laakiin Kuwa Waqtiga Jecel Waa udaa,in Mar Waliba. 
  5.  Macnaha Nolosha Waa in Nolosha Macno Loo Yeelo, 
  6. Hanoqon indho Ku Garaadle oo Lafalgala Dhacdooyinka Maalinlaha Ah,Ee Noqo Maskax Ku Garaadle oo Ka Fakara Xalka Maqan. 
  7.  Yeelo Qorshe iyo Go,aan Kuu Madax Banaan Si Aad uxalisato Dhibkaaga  In Aad Qof Kala Hartaan Ama Kala Tagtaan Waa Wax Fudud, Balse Ma Sahlana in Aad Qalbiga Ka Jarato Kol Hadii Aad jecleyd. 
  8.  Quruxdu Ma ahan oo Keliya Meesha ishu Qabato,Waxaa jira Kumanaan Dareen oo isha Ka Qoto Dheer. 
  9.  Xiriir Kasta Kuma Dhisno Dareen,Ee Waxaa Ka Buuxa Kumanaan Dano Gaar Ah.  Wax ujeclow Si Dhameeystiran Tani Macnaheeda Ma ahan ,in Aad Waali Wax ujeclaato ,Ee Waa in Aad Daacad utahay Dareenkaaga.
  10.  Dhagaha Ka Xiro Dhaliilaha Aan Waxba Dhisayn,Aqoontu Waa Mida Wax Dhista ,Ma ahan Mida Wax Dumisa. 
  11.  Ula Dhaqan Dadka Si Dhexe oo Aan Midkiina Dhib idiin Keeneynin. 
  12.  Ha isku Dhiibin Naftaada iskadaa inaad Naf Kale isku Dhiibto,Maxaa Yeelay is Dhul Dhigidu Waa Fursada Kaliya Ee Uu Qofku Kuugu Sameyn Karo Waxa Uu Doono. 
  13.  Khaladaadkaaga Dib usax Ee Hasugin, in Lagaa Waaniyo Waxii Shalay.
  14.   Ha Lumin Qofna Farxadiisa ,Adiga oo Awoodo in aad u Abuurto,Qofkasta Kuma Qancaaya Qiimahaaga ,Adigase uquur Dadka Qaayahooda, 
  15.  Tixgali Aragtida Dadka Kale,Hana Ka Tagin Midaada 
  16.  Marabtaa in Aad Xur Ahaato,Waligaaga Cidna Caloosha Waxba Ha Ugu Qaban.
  17.   Hasugin in Ay Dadka Si Sax Ah Kuuwada Fahmaan Ee Ku Dadaal in Aad isfahamtaan ,
  18.  Yeelo Dhaqan Laguugu jeclaado , Ama Laguugu Xiiso Haba Yaraadee. 
  19.  Wax utar Dadkaada ,iyo Dalkaada ,Adiga oo Aan Dowlad, iyo Dad Gaar Ah Ku Haleeyneynin. 
  20.  Aarsigu Waa Dhaqanka Ugu Xun Ee Niyadaada Ku Fakarto,Hadii Aad Caado Ka Dhigatana Waxaa  Dhumaayo Jiritaankaaga. 
  21. Waligaaga Unuglow Dadka Mudun 
  22.  Dhoolacadeeyntu Waa Hadal Wanaagsan oo Aan Codkiisa Lamaqleynin 
  23.  Dhamaanteenu Waxaynu Nahay Sida Dayaxa, Balse Meel Ayaan Kamadownahay 
  24.  Ma jirto Beer Qurxoon oo Aan Bahalo Lahayn, Sidaa Darteed Ma jiro Qof Wannaagsan oo Aan Cadow ahayn.
  25.  Jidka Nolosha Waxaa Ka Buuxa Dhagaxaan, Ha isku Dayin inaad Kala Fardhiso,Laakiin Aruuri oo Ka Dhis jaranjarooyin Aad Ku Fuusho Noloshaada.
  26.   Noloshu Waa Riyo , Waxaa ina Toosiya Ama ina Baraarujiya Geeridda. 
  27.  Aad Ha Ugu Fakarin Waxaadan Heysan,Si Aadan uwaayin Waxaad Heysato Hadda. 
  28.  Raggu Waxay jecel Yihiin in Ay Ku Noolaadaan Farxad, Laakiin Dumarka Waxay jecel Yihiin in Ay Ku Noolaadaan Nolol jaceyl Leh. 
  29.  Wey Adagtahay inaad jaceyl Naftaada uhurto, Waxaase Kasii Adag inaad Hesho Qof Aad uhurto. 
  30.  Kuwa Xumaanta usaaxiibka Ah Waa Dhimbilaha Dhuxusha Midba Midka Kale Ayuu Gubaa 
  31.  Inaad Dhanka Wanaagsan Wax ka Eegtaa Macnaheeda Ma ahan inaad Mar Waliba Faraxsanaatid,Sidoo Kale  Waa inaad Garataa Waqtiyada Adag in Ay Wali jiraan Maalmo Wacan oo Ka Dambeeyo. 
  32.  Qiimaha Ay Naftaada Ku Yeelaneeyso Bulshada Dhaxdeeda Adiga Ayaa iska Leh , Hadaad isku Aragto Qof Liito oo Aan Waxba Qaban Karin,Xaqiiq Qof Liita Ayaad Noqoneeysaa,Hadaad isku Aragto Qof Wax Qaban Karana Waad Qabaneeysaa Waliba Sida Ugu Wannaagsan ,Waad Gaari Doontaa Waxaad Ku Hamineeyso oo Qeyr iyo Wanaagba Ku Horseedaaya Naftaada iyo Mida Bulshadaada Markey Doontaba Ha Noqotee. 
  33.  Dulqaatka Badi Qadarkaana Rumeeysnow, Hori Usoco Sida Diinkaba Aad usocotidee,Hadaad Doonto Toban jeer Guuldareeyso , Laakiin Haniyad jabin Maalin uun baad Arki Doontaa Adiga oo Bulshada Ka Dhex iftiimaayo .
  34. uma noolid inaad Qof Kasto Farxad Galiso ,Waxba Kaama Galin,Waxa Qof Kasto Kaamaleeysto, noolow intaad Doonto Mar uunbaad Dhiman Doontaa unoolow Sidii Daqiiqadii Dunida Kuugu Dambeeysey.
  35.   Noloshaada Quruxdeeda Waxaa Saldhig u Ah Hadba Sida Aad Ugu Faraxsan Tahay,Ogow Farxaduna Waa Mid Aad Abuuran Karto 
  36.  Hadii Aad Dooneeysid inaad Farxad Ku Noolaato,Ha Faalin Waqtiyadii Xumaa Ee Aad Soo Martey,Hana 29 Kasii Wal Walin Waxa Beri Lakulmi Doontid Ee Faalee Nimcada Aad Maanta Heysato Alle Subxaana Watacaala Ugu Mahadnaq Markaas Ayaad Farxada Dareemi Doontaa. 
  37.  Cadaantu Kama Turjumeeyso Quruxda Madowgana Kama Turjumaayo Foolxumada, Sababtoo Ah Karafntu Wey Cadahay Waana Mid Laga Baqo,Kacbaduna Wey Madowdahay Waana Mid La jecelyahay.
  38. Hadii Ragganimadu Ahaan Lahayd in Codka Kor Loo Qaado,Eygaa Ahaan Lahaa Mudanaha Ragga,Hadii Dumarnimaduna Tahay isqaawin Yacnii Qaawanaan Daanyeerta Ayaa Ahaan Lahayd Mida Ugu Dumarsan. 
  39. Inta Aadan Alle Ka Baryin Waxa Kaa Maqan Ku shukri Waxa Aad Hada Heysato. 
  40. Waxaan Baraney Sida Hawada Loogu Duulo Sida Shimbiraha oo Kale, Waxaan Baraney Sida Badda Loogu Dabaasho Sida Kalluunka oo Kale, Laakiin Wali Ma aanan Baran Sida Dhulka Loogu Noolaado Aanaga oo Walaalo Ah. 
  41.  Waxaan Xirnaa indhaheena Marka Aan Oyneyno Marka Aan Riyooneyno ,Marka Aan Ooyneyno ,Marka Aan Rajeyneyno,iyo Marka Aan is Dhunkaneyno, Sababtoo Ah Waxyaabaha Wanaagsan Laguma Arko indhaha Ee Waxaan Ka Dareenaa Qalbiga. 
  42. Jaceylku Waa Awood Aan Lala Babacdhigi Karin Awooddaha Dunida,Waana Sababta Uu Sida Fudud Ugu Badalo Dhaqanka Qofka,Wey Adagtahay in La Sharxo Dareenka, Maxaa Yeelay Ma jirto Awood Sahleeyso in Lagu Ogaado Awooddiisa,Mugiisa,Tayadiisa,iyo Falgalkiisa . 
  43. Waligaaga Haku Doodin,Waxaad Ogtahay Qiimahooda, iska daa inaad Ku Doodo Waxaadan Cilmi ulahayn.
  44.  Duceeyso una Duceey Dadka Kale, Tani Waa Astaan Sahleeysa Gaaridda Yoolalkaada Fog fog Ee Aad Ka Leedahay Nolosha. 
  45.  Haku Fududaanin Wax Waliba, ufiirso ilaa Xad Kana Feejignaaw in Aad Faragaliso Waxa Kaa madax banaan. 
  46. Qaladkaagana Ogsonow Kuna Qanac ,Sababtoo Ah Ma jiro Dunidaan Qof Aan Cilad Lahayn oo Ceeb Kasaliim Ah. 
  47. Qaado Talooyinka Waxii Kaa Anfaca,Adiga oo Quursan Qof Kale Arartiisa.
  48. Bar Naftaada Mahadcelinta,Si Aysan Ugu Abaal Dhicin Wannaaga Loo Taro. 
  49. Haku Kibrin Nimcada Alle Waxaa jira Malaayiin Aan Heysan Waxa Laguu Hibeeyey.  Ubareer Dantaada, Halabaqin Cabshadaada, Maxaa Yeelay in Badan Baan Fahmin Aamusnaantaada. 
  50. Aad bey ufududahay Markii Aan Wax Ka Sheegeyno Khaladaadka Dadka Kale, Laakiin Aad bey u Aagtahay inaan Khaladaadkeena Aqoonsano.
  51.  Cabirka Shumaca Wey Kala Duwanaan Karaan Laakiin Waxay Bixiyaan iftiin isku Mid Ah , Sidaasi Waxaa Lamid Ah Tayadaada iyo Dadnimadaada Waxay Kaa Dhigaan inaad iftiin unoqoto Dadka Balse Wax Macno Masameeyneeyso Halka Aad joogto iyo Darajadada. 
  52.  Haka baqan Cadowga usoo Bareero inuu Ku Waxyeeleeyo, Laakiin iska ilaali Saaxiibka Xun Ee Laba wajiilaha Ah. 
  53.  Inta Badan Waxaan Dadaal Ku Bixinaa Xirashada Dharka Ugu Qurxoon iyo Kuwa Ugu Qaalisan, Balse Waxaan is ilowsiinaa Badalista Dhaqamada Xun iyo Dabeecadaheena Guracan Hadaba Ogow Weelka Qaaliga Masameeyo Cunto Macaan oo Dhadhan Leh.
  54.  Umuuji Xishmad Xitaa Dadka Aan uqalmin,Micnaheeda Ma Ahan Ka Falcelinta Dabeecadahooda, Balse Waa Sabir Muujinaya Dhaqankaaga Wanaagsan Ee Ku Dhisan Qadarinta. 
  55.  Caqabad Kasta oo Kusoo Wajahda Geeri Ama Dhimasho Makeenaan, Laakiin Dilaaga Noloshaada Waa Murugada iyo Walwalka.
  56.  Niyad Wannaagsan Kula Dhaqan Dadka , Wanaagooda Baahi inta Aadan Xumahooda Sadaalin. 
  57.  Hadii Ay Ku Dhaafto Fursad Dahabi Waxba Yeysan Waxba Yeysan indhahaaga Buuxin ilin , Ogow Markale Ayee Hortaada Kasoo Muuqan Doontaa Fursado Dahabi Ah. 
  58.  Dhamaanteena Bulshada Ayaan Dhaleeceynaa , Waxaan is ilowsiinaa inaan Bulshada Qeyb Kanahay , Bulshooyinka Guuleeystey Waxay Gacan Qabtaan Hal Abuuraha , Ee Ma Aha Kuwa Afka iyo Adinka ula Taga Haldoorka. 
  59.  Hadalka Wanaagsani Waa Furaha Quluubta Dadka Kale, Adeegso Ereyo Wanaagsan Si Quluubta Dadka Kale Kuu jeclaadaan.
  60. Dadka Dunida Maanta joogo Goortii Aad Saaxiibtinimo Muujiso Waxay uqaadanayaa inaad Shukaansi Doontahay, Goortii Aad Daacad Tahay Waxay uqadanayaa inaad Xaasid Tahay , Goortii Aad Rabto inaad Kali Ahaato Waxay uqaadanayaan in Murugo Ku Heyso, Goortii Aad Aamusto Waxay uqaadanayaan in islaweyni Kuugu jirto, Goortii Aad Runta Ka Hadasho Waxay uqaadanayaan inaad Reer udanleedahay, Goortii Aad istiraahdo Cid Caawi Waxay uqaadanayaan inaad istustus Ka Wado iyo Halagaa Sheego Kawado, Goortii Aad Bilowdo in Aad Dantaada Garato, Waxay uqaadanayaan in Aad Dadka Ka Go,oday oo Aad Buufis Bilowday, Goortii Aad Wado Si Nabad Ah usocoto Waxay umaleeynayaan in Uu Kibir Kaa Buuxo , Goortii Aad Hadal Dabacsan Ku Hadasho Waxay uqaadanayaan in Aad Daciif Tahay, Goortii Aad Kun Wannaag Sameeyso Wey iska indho Tirayaan, Laakiin Goortii Aad Hal khalad Sameeyso Waxay Wadayaan Sannado Badan, Si Kastoo Kuu Xukmiyaan, Adiga Ha joojin Ee joogteey inaad Wanaag Sameyn ,udhoolacadeeyso, Salaanto, Xushmeeyso, unaxariisato, Soo Dhaweeyso, Cafiso, iyo inaad Caawiso, Kuwa Runta Mar Waliba iskaga Khaldamayaan Ee Waxay Garanayaan Qiimahaaga Qofnimo. 
  61. Sii Wad inaad Wannaaga Sameeyso Si Kasta uu Xaalku Yahay ,Wanaag Sameynta ,iyo Samafalku Waa Sifo insaanimo oo Kasoo Dhex Baxda Bulshooyinka Ay Dadkiisu Leeyihiin Aqoon, Garasho,iyo Dareen Mas,uuliyadeed oo Sare. 
  62. Wanaagu Waa Noocyo Badan Yahay Waxaana Lagu Sheegi Karaa,Howlkasto oo Uu Qofka Qabto,isaga oo Aan Looga Badalo Sugeeyn, islamarkaana uu Ku Qanacsanyahay in Howshaasi Uu Sameeynaaya Ay Tahay Mid Uu Aaminsanyahay in Uu Ku Dareemaayo Raaxo iyo Daganaan. 
  63. Samafalka Ama Wannaag Sameeynta Waxaa Kamid Ah in Waqti Ama Xoolo Lagu Bixiyo Daryeel Ama Adeeg 34 Loo Sameeynaya Bulshada Noocyadeeda Kale, Ama Qof Markaasi ubaahan. 
  64. Samafalku Waxuu Kor uqaadaa Xeer Nololeedka Bulshada , Waxa Uu Gacan Ka Geeystaa Hormarka, Bulshada iyo Dhismaheeda, Waxa Uuna Yareeya Faqriga iyo Dilka Waayo Waxa Uu Kabaa Amaanka Bulshada iyo Midka Dhaqaale. 
  65. Hadii Aad Dadka uqabato Waxbadan, Waxay Markasta Ka Hadlayaan Waxii Aadan uqaban,Sii Wad Waxqabadka Sikastoo Xaalku Yahay. 
  66.  Hadii Aad Tahay Qof Daacad Ah oo Naxariis Badan, Waxaad Arkeeysaa Dadbadan oo Ku Qayaamaya Sii Ahow Daacad Naxariis Badan Si Kastoo Xaalku Yahay . 
  67. Hadii Aad Guuleeysato Waxaad Yeelaneeysaa Saaxiibo Been Ah,oo Dano Gaar Ah Kuula Socda iyo Cadow Badan, Sii Wad in Aad Guulo Gaarto Sii Kastoo Xaalku Yahay. 
  68.  Hadii Aad istiraahdo Xumaan Reeb Dadkana Wannaag Far , Waxaa Dhaceeysa in Ay Dadbadan Ku Dhaliilaan Sii Wad inaad Xumaanta Reebto Si Kastoo Xaalku Yahay  Hadii Aad Kun Wannaag Sameeyso Wey iska indho Tirayaan , Laakiin Goortii Aad Hal Qalad Sameeyso Waxay Wadayaan Sannado Badan Sii Wad inaad Wannaaga Sameeyso Si Kastoo Xaalku Yahay. 
  69. Waxaad Sannado Badan Dhisaysey Ayaa Qof Ama Dad Ku Baabi,in Karaan Hal Maalin Sii Wad inaad Dhisto Si kastoo Xaalku Yahay . 
  70. Hadii Qof Aad Abaalbadan ugasho oo Uu Kuugu inkiro, Sii Wad in Aad Abaalgasho Si Kastoo Xaalku Yahay. 
  71. Hadii Qof Aad Caawisay Waxbadan Kuugu Caasiyo Ama Ku Caayo, Sii Wad inaad Caawiso Si Kastoo Xaalku Yahay. 
  72. Hadii Aad Darajo Ku Gaarto Dadaalkaagii iyo Hadafkaagii Dadku Wey Ku Xasdayaan Weyna Kaa Maseerayaan, Sii Wad Dadaalka iyo Doonista Si Kastoo Xaalku Yahay  Hadii Aad Si Dagan uhadasho, Si Tartiib Ah usocoto, Dadku Waxay Ku Oranayaan Waa Qof jilicsan, Sii Wad Daganaanta iyo Dabeecad Wannaaga Si Kastoo Xaalku Yahay . 
  73. Hadii Aad Samafal usameeyso Dad Masaakiin Ah, Dadku Waxay Oranayaan Waa Tuug Hab Uu Wax Ku Gurto Ayuu Rabaa, Sii Wad Samafalka iyo Gargaarka Si Kastoo Xaalku Yahay. 
  74. Hadii Aad is Asturto oo Xijaabato,Dadbaa Ku Oranaya Balaayo Ayee La Duuduubantahay Waa Doqon Xijaab Weyn , Sii Wad inaad Xijaabato Si Kastoo Xaalku Yahay. 
  75. Hadii Qof Aad Si Dhab Ah ujecleyd Uu Cidlo Kaaga Dhaqaaqo, Ama Ku Dhibaateeyo , Sii Wad inaad Cafiso Kheyrna urajeeyso Si Kastoo Xaalku Yahay .
  76.  Hadii Qof Xanuunsanaaye Xanuunka Aad Ka Caawiso Xanuunkii Haayey inuu Ka Fiicnaado, Waxaa Laga Yabaa inuu Ku Yiraahdo Ma Aniga Mashruuc igu Soo Qaadatey Sii Wad inaad ixsaan ufasho Si Kastoo Xaalku Yahay. 
  77. Si Kastoo Ay Xaaladu Tahay, Si Kastoo Dadku Yahay Sii Wad Wannaag Sameynta iyo Kheyrka Xasuusnow Tani Waxay udhaxeeysaa Adiga iyo Alle Marnaba uma Dhaxeeyso Adiga iyo Dadka. 
  78. Ha Rumeysan Waxkastoo Aad Maqashid , Hawada isticmaalin Waxa Aad Heysato Ee Bar Keydso, Hana Seexan Hurdo Badan oo Ku Seejisa Dantaada iyo Waxii Aad Qabsan Lahayd Maalintaas. 
  79. Marka Aad Qof Ku Dhaheeysid Waan Kujeclahay Dheh Adiga oo Ay Dhab Kaa Tahay , Aamin in jaceylku Ku Dhalan Karo Aragtida Ugu Horeeysa, jeclow Qof Jaceyl Dhab Ah oo Xiiso Leh, Waxaa Dhici Karta in Qofka Aad jeceshahay Kaa Tago,Taasna Waxaad Ku Dareemi Kartaa Nolosha Dhabta Ah , Waxaadna Ka Baraneeysaa Cashar. 
  80. Dadka Meel Hakaga Dhicin oo Ha Caayin oo Adigaba Ma jeclid in Lagu Aflagaadeeyo, Si Dagan uhadal, Laakiin Si Dhaqsa Ah ufakir. 
  81. Hadii Uu Qof Ku Weydiiyo Su,aal Aanad Rabin inaad Ka Jawaabto, U ilko Cadeey oo Weydii Maxaad urabtaa inaad Su,aashaan Kaaga jawaabo Weydii Qofka Waxa Ay jawaabtaada Muhiim Ugu Tahay. 
  82. Qofka Hindhisa uduceey oo Tus inay Diinta islaamka Naxariis Tahay. 
  83. Isfahmid La,aani Yey Kaa Duminin Saaxiibkaaga Dunida Ugu Qaalisani. 
  84. Marka Aad Aragtid in Aad Khalad Gashay Si Dhaqsi Ah usax 
  85. Marka Aad Ka jawaabeeysid Taleefankaaga ilko Cadeey, Maxaa Yeelay Qofka Taleefankaaga Ka Hadlaayo Waxa Uu Maqlayaa Dhawaaqaaga Waxa Uuna Dareemayaa inaad Xushmad uhaayso.
  86. Noolow Nolol Wannaagsan oo Qiimo Leh, Marwalibana Sharaftaadana Kor uqaad oo Ha is Qiimo Tirin,Marka Aad Gabowdo Xusuuso Wannaagii Kusoo Maray Si Aad Markale Uga Heshid Dareen Wannaagsan Waqtigaagii Kusoo Maray.
  87. Aamin Dadka , Laakiin Albaabkaaga Xiro Ma Adigaaba ifahmey. 
  88. Waxii Aaad Ogtahay Ee Faa,iido Leh usheeg Dadka Kale Hakula Qeybsadaane Taasina Waxay Kaa Dhigeysaa inaad Noqoto Qof Waligiisa La Xasuusanaado oo Dad Badani Ay Yaqaanaan Sharafna Lahaa Mudadii Uu Noolaa.
  89. Waligaaga Ha Gooynin Xiriirka Qofka Kutusaaya Wanaaga ,Sannadkiiba Ubax Meel Aadan Waligaaga Arag Hanoqoto Wadan Kale Magaalo Kale, Xaafad Kale , Keeyn Kale Ama Goob Kale. 
  90. Hadii Ay Kusoo Gasho Lacag Badan umaali Gali Si Ay Dadka ucaawiso inta Ay Noolyihiin. 
  91. Waxaan Bartey in Aysan Muhiim Ahayn Maxaad Hada Heysaa, Laakiin Ay Muhiim Tahay Xagey Daqiiqadaan Kadib Rabtaa inaad Gaartid, Waxaan Bartey in Waxkasto oo Aan u Aragno in Ay Weyn Yihiin oo Aduunkaan Yaalo Ay Markii Hore Ku Bilowdeen Fikrad Yar Kana Bilowdeen Waxyar , Waxaan Bartey in Farqi Wey udhaxeeyo Tijaabinta Badan, iyo Ka Quus Qaadashada, Waxaan Bartey in Dareenka Wanaagsan Yahay Midka Ay Naftaada Ku Qanacsantahay,Adiga oo Ogsoon Waxa Ada Sameeysey inay Wannaag Ahaayeen Aduunka oo Dhan Hakula Coloobo , Waxaan Bartey in Ay Laga Maarmaan Tahay in Qofka isku Dayo inuu Sameeyo Camal oo Gaarsiinaayo ilaa Xiddigaha Laakiin Uusan iloobin in Ay Lugahiisu in Ay Dhulka joogaan. 
  92. Ha umurugoonin Dunidaan iyo Waxa Dhexyaalo, Dhamaanteena Waxaan Nahay Marti Allaah Waxa Uu jecelyahay Kan Ugu Cabsida Badan Adoomadiisa, Hanoqon Mid Mar Kasta Doorbida Waxa Naftiisu jeceshahay. 
  93. Caqliga Dadka Waa Seddex Nooc , Caqliyada Waa Weyn Waxay Ka Hadlaan Fikradaha iyo Hal Abuurka ,Caqliyada Dhexena Waxa Ay Falaqeyaan Arimaha Bulshada , Laakiin Kuwa Caqliga Yarna Waxay Faaleeyaan oo Dhaleeceyaan Dadka Mana Sheegaan Wanaagooda. 
  94. Nin indho La,a Ayaa Habeen Baxay Waxa Uuna Doonaayey inuu Wabiga Biyo Kasoo Cabo Waxa Uuna Watey Faanuus, Dadkii Ayaa Weydiiyey Sababta Uu Faanuusta uwato Waaba indho La,ayahay, Waxa Uuna Ku jawaabay Si Dadka indhaha Leh ii Arkaan. 
  95. Waxaan Bartey in Uusan Qofka Hoogin, Hadii Uu Qasaaro ,Laakiin Uu Qasaaro Markii Uu joojiyo Dadaalkiisa. 
  96. Waxaan Bartey in Qofka Guusha Gaara Uu Yahay Midka Sabirka iyo Dadaalka usaaxiibka Ah. 
  97. Waxaan Bartey in Hubka Ugu Weyn Uu Qofka Helaa Uu Yahay Sabirka iyo Waqtiga. 
  98. Waxaan Bartey in Qofka Uqeyrbadan Tahay Sida Diidiin Kusocda Dariikha Toosan , inta Uu Noqon Lahaa Deero Ku Socoto Dariiqa Halaaga.  Waxaan Bartey in Camalka Wannaagsan Uu Aad Uga Fiicanyahay Hadalka Wannaagsan oo Kaliya.
  99.  Waxaan Bartey in Furaha Qasaarada Ay Tahay in Uu Qofka isku Dayo in Uu Raali Galiyo Qofkasta. 
  100. Ahow Sida Aad Tahay Waxaadan Ahayn Ha iska Dhigin Cidii Kuugu jeclaaneeyso Hakuugu jeclaato , Cidii Kuugu Naceeysana Hakuugu Nacdo.  Waxa aad Hiigsaneeyso oo Aad Ku Riyooneeyso Afar iyo Labaatanka Saacadood Ayaad Noqon Waadna Xaqiijin.  Hadaad Dareento in Daruufaha oo Dhan Lid Kuugu Yihiin, Dadka oo Dhan Kaa Hor imaadeen , Waxaad Ogaataa in Diyaarada uduusho Cagsiga Dhinaca Ay Dabeysha usocoto udabaalo Dhinaca Hirka Ka imaanayo Gacantaadana Kujeex Waddadii Aad Mari Lahayd.  Hadaadan Ku Qanacsaneyn Meesha Aad joogto Hada , Dhaqaaq Matihid Geed Meesha Ku Mudun.  Ha Ahaanin Mid jilicsan oo Dharbaaxo Kasto Dhulka Dhigeyso, Naxdinta Dhabarka Ka jabineeyso, Fashilka isku Dhiibaayo, Noqo Qof Karti Leh Waqti Waxaan joognaa Aan La Aqbaleeynin Qof jilicsan. 41  Waligaaga Xooganow Dhoolacdeey, Kuwa jalaafada kula Maagan Ha isweydiiyaan Sidii Wali udhoolacadeeyanayaa.  Dadka Qibradda Leh Waxkabaro Sababtoo Ah Manoolaaneeysid Waqti Kuugu Filan Si aad Wax waliba ubarato.  Qof Markuu Hadlaayo Dhageeyso Si aad Wax Waliba ufahanto, Ha udhageeysan Si aad ujawaabto.  Waan Xaqiijin Karnaa Dhamaan Wax Ku Taameeyno, Ku Riyooneyno Hadii Aan Leenahay Qanaaco Dhab Ah inaan Arinkaas Xaqiijin Karno.  Quraanjada Waxaad Ka Barataa Sida Waxloo Kasbado, Geelana Sabirka Ka Baro, Diiqana Kalahaada Ka Baro , Abeesadana Xikmadana Ka Baro, Libaaxana Geesinimada Ka Baro, Eeygana ikhlaaska iyo Waafinimada Ka Baro.  Dagaal Aan Xabad joojin Lahayn Waa Nolosha Ban,aadamka.  Noloshu Wey Ka Gaabantahay inaan Ku Bixino Diiwaangalinata Gafafka Nalaga Galay, Sidoo Kale Wey Ka Gaabantahay in Aan isku Mashquulino Quudinta Cadaawada iyo Karaahiyada.  Dadku Waxay unoolyihiin Si Ay Wax ucunaan , Anigana Waxaan Wax ucunaa Si Aan unoolaado. 42  Markaan jeclaa Waxaan jeclaa inaan Weynaado, Laakiin Markii Aan Weynaaday Waxaan Tamaninayaa inaan Taraado.  Sheyga Kaliya Ee Caalmka La isku Raacaayo Waa in Aan Halmeere Kunoolnahay Wax Kaloo La isku Raacaayo Majiraan.  Musiibo Waliba oo Kuugu Dhaceeyso Waxaad Ka Qaadaneeysaa, Darsi Si Aaad uga Baxdo Adiga oo Xikmad Qibrad iyo Cilmi Kasbaday.  Dadku Waxay Nacaladaan Daruufaha Noloshooda, Laakiin Aniga Daruufaha Maba Rumeeysani Dadka iyaga ayaa Sameeya Daruufaha.  Inaad Hal ubax uhadiyeeyso Waqtigii Ku Munaasabka Ahayd Ayaa Ka Fiican, Wax Waliba inaad Baxiso Fursada Ku Dhaafto Kadib.  Inaad Halweedh oo Wannaagsani Ku Dhahdo Qofka Aaad jeceshahay, Walibana Waqtiga Ay Ku Haboontahay Ayaa Ka Fiican inaad Gabay Dheer utiriso Markii Uu Qofkaasi Ka Tago Kadib.  Haldaqiiqo inaad Sugtid Ayaa Ka Fiican inaad Sannad Dhan Sugtid Markii Ay Fursada Dhamaato Kadib.  Inaad Caawisid Qofka Markii Uu Kuu Baahanyahay Ayaa Ka Fiican , Boqolaal jeer oo Raaligalin Ah Markii Uu Ka Gudbo Kadeedkii Heystey Kadib.  Qiimo Malaha Shey Waliba oo Yimaado Waqtigii Ku Haboonaa Kadib, Waana Sidii Adiga oo Dhunkanaya Qofkaa Dhintey Dhabankiisa. 43  Marna Hadib Dhigin Ashyaa,ada Quruxda Badan, Weeraha Quruxda Badan, Fariimaha Quruxda Badan, Saamaxaada Quruxda Badan, is Cafiska Quruxda Badan, Sugitaanka Quruxda Badan , Dulqaadka Quruxda Badan, Daacadnimada Quruxda Badan , iyo Cudurdaarashada Quruxda Badan, iyo Wax waliba Haka Dib dhigin Waqtigiisa ileen Qiimo Maleh Shey Lasoo Dhaafay Waqtigiisaa.  Hadib Dhigin Arimaha Wannaagsan oo idil, ogsonow inay Labo jeer kuu Soo Mareeynin Kuuguna Soo Laabaneeynin Markale

0 Comments